Kulan Balaadhan Oo Lagu Gorfaynayey Sii Xoojinta Nabadgalyada Maamulka Magaalada Jigjiga Loona Qabtay Ururada Dhalinyarada Nabadgalyada Ee MM.Jigjiga ayaa ka Qabsoomay Hoolka Shirarka Ee S.M.C.X.

Jigjiga(CN) Sabti.Feb.28.2015, Kulankaasi oo uu soo diyaariyay xafiiska nabadgalyada maamulka magaalada jigjiga ayaa waxaa ka soo qaybgalay madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka waxbarashada DDSI mudane Mawliid Haayir Xasan, wasiirka xeer ilaalinta guud iyo  cadaalada DDSI mudane Cabdijamaal Axmed Qaloonbi, ku xigeenka xafiiska nabadgalyada maamulka iyo cadaalada DDSI  mudane  Shugri Badal , hogaanka nabadgalyada maamulka iyo cadaalada M.M. Jigjiga mudane Sheikh  Mukhtaar Sh. Maxamed Suubane, saraakiisha ciimadada booliska DDSI, maamulada xaafadaha magaalada jijiga iyo dhalinyarada nabadgalyada ee ka hawlgasha 20 xaafadood ee ay ka kooban tahay.

Kulankaasi oo ay ujeedadiisu ahayd sidii loo sii xoojinlaha loona karaargalinlahaa hawlaha nabadgalyada ee maamulka magaalada jijiga lana sii  dhiiralaha galinlahaa  dhalinyarada nabadgalyada  maamulka magaalada jigjiga ayaa waxaa ugu horayntii ka hadlay madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka waxbarashada DDSI mudane Mawliid Haayir Xasan.

Wuxuuna madaxwayne ku xigeenku si qoto dheer uga warbixiyay ahmiyada ay leedahay sii xoojinta iyo horumarinta nabadgalyadu iyo waliba doorka ay ku leeyihiin hirgalinteeda dhalinyaradu loona bahan yahay in ay sii xoojiyaan dhalinyaradu hawlaha horumarinta nabadgalyada kor u qaadida bilicda iyo nadaafada caasimada deegaanka ee jigjiga.

Waxaa kale oo iyaguna ka hadlay kulankaasi wasiirka xeer ilaalinta guud iyo cadaalada DDSI mudane mudane Cabdijamaal Axmed Qalonbi iyo hogaan ku xigeenka xafiiska nabadgalyada maamulka iyo cadaalada DDSI mudane Shugri Badal kuwaasi oo ka warbixiyay dadaalada ay xukuumadu ugu jirto sii xoojinta iyo ka midho dhalinta xasiloonada sida buuxda uga taamyeeshay guud ahaanba deegaanka iyo dhiira galinta dhalinyarada.

Hogaanka nabadgalyada maamulka magaalada jigjiga mudane sheikh mukhtaar maxamed suubane oo ka hadlay kulankaasi ayaa si durugsan uga warbixiyay soonyaalkii taariikheed ee magaalada jigjiga iyo  heerka ay hada marayso wuxuuna sheegay hogaanku in dhalinyarada maamulka magaalada jigjiga ay tiirarkii ugu waawaynaa ee lagu hirgaliyay xasilinta ahniga magaalada jigjiga oo sanadihii hore ay ka muuqatay gol daloolooyin bad loona baahan yahay in ay sii xoojiyaan.

Ugu danbayntii ayaa waxaa madashaasi lagu gudoonsiiyay abaalmarino qaybo ka mid ah dhalinyarada nabadgalyada maamulka magaalada jigjiga kuwaasi oo ku mutaysay abaalmarinada dadaalka ay ku muujiyeen waxqabadkooda, waxaana abaalmarinadaasi gudoonsiiyay madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka  waxbarashada mudane Mawliid Haayir.