Qaarka mid ah masuuliyiinta xukuumada DDSI oo maanta ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee garaad wiil waal airport ganacsade qurba joog ah oo u socda in uu deegaanka maalgashi ka sameeyo.

Jigjiga(CN) Sabti.Feb.28.2015. Waxaa Maanta Garoonka Diyaaradaha Ee Garaad Wiil Waal International Airport Lagu Soo Dhaweeyay mudane Cabdirisaaq Xiis Khaliif Oo ah  Ganacsade Qurba Joog ah Una  Dhashay DDSI.

Waxaana ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaah ee garaad wiil waal qaarka mid ah masuuliyiinta xukuumada DDSI oo uu ka mid yahay wasiirka Xafiiska maalgalinta DDSI mudane Cabdinaasir Maxamed, wasiir ku xigeenka qurba joogta DDSI mudane Bashiir Maxamed  iyo masuuliyiin kale.

Haddaba waxaa soo dhawayn ka dib qolka nasashada ee madaarka diyaaradaah kula hadlay saxaafada deegaanka ganacsade cabdirisaaq xiis khaliif oo ugu horayntii siwayn ugu mahad naqay sida diiran ee ay xukuumada ugu soo dhawaysay garoonka si doo kalena bogaadiyay guulaha horumarineed ee ku dayashada mudan ee ay xukuumada DDSI gaadhay sanadihii ugu danbeeyay .

Mar uu ka waramayay ujeedada socdaalkiisa ayaa waxa uu shegay in ay tahay in uu deegaanka ka samaysto maalgashi balaadhan.

Wasiirka maalgalinta DDSI  mudane cabdinaasir maxamed oo ka hadlay  soo dhawayntii cabdirisaaq ayaa waxa uu sheegay in ay xukuumada DDSI markasta diyaar u tahay soo dhawaynta qurba joogta u dhalatay  DDSI.

Wasiirku isaga oo hadalkiisa sii wada ayaa waxa uu sheegay in sanadihii ugu danbeeyay dadaalkii dheeraa ee ay xukuuamda DDSI ka samaysay dhinaca xidhiidhka qurba joogta ay si wayn ugala  qaybqaataan xukuumada dhinaca horumarka iyo  nabadgalyada isaga oo carabka ku fudhtay in ay deegaanka ka hirgaliyeen qurba joogta u dhalatay DDSI in ka badan 126 mashruuc kuwaasi ii siwayn uga qaybqaatay hirgalinta horumarka, kor u qaadida koboca dhaqaalaha, abuurida ilaha shaqada  iyo la dagaalanka saboolnimada wasiirku waxa uu siwayn ugu booriyay qurba joogta u dhalatay deegaanku in ay sii xoojiyaan dadaalkooda ku qotoma dhinaca maalgashiga.

Wasiirku xigeenka qurba joogta DDSI mudane bashiir maxamed cabdilaahi oo ka hadlay madashaasi ayaa si qoto dheer uga warbixiyay xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeyay qurba joogta u dhalatay DDSI iyo xukuuamda DDSI isaga oo hadal kiisa sii wada ayaa waxa uu sheegay in laga soo bilaabo tan iyo xiligii ay xukuumada DDSI hirgalisay xidhiidhka qurba joogta ay maalinba maalinta ka danbaysa si balaadhan deegaanka ugu soo qul qulayaan qurba joogta u dhalatay deegaanku kuwaasi oo u socdo in ay deegaankooda maalgashadaan xukuumada DDSI markasta ku soo dhawaynayso deegaankooda hooyo.