Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Jaaliyaadka Waqooyiga America Iyo Qaarada Yurub Ee Kasoo Jeeda DDSI Oo Soo Dhawaynaya Socdaalka Dibada Ee Madaxda DDSI.

Jaaliyaadka A.Y(CN) Axad.Mar.01.2015, waxaa taniyo xalay qaybta war-qabadka ee CakaaraNews iskasoo daba dhacaya  warar iyo fariimo ka imanaya jaaliyaadka qurbajoogta u dhalatay DDSI ee dalka dibadiisa kuwaas oo sheegaya taageerada iyo sida ay u soo dhawaynayaan socdaalkan dibada ee madaxwaynaha DDSI mudane Cabadi Maxamuud Cumar iyo waftiyada kale ee madaxda DDSI ay kukala tagayaan dalalka America, Yurub, Asia iyo wadamo kale.

Baaq naga soo gaadhay jaaliyaadka Waqooyiga Ameerika iyo qaarada Yurub ayaa sheegaya in ay soo dhawaynayaan islamarkaana taageero balaadhan u hayaan socdaalkan madada DDSI ee ay ku imanayaan dalalka N.America iyo qaarada Yurub.

Sidoo kale waxay jaaliyaadku sheegeen in ay xukuumadani tahay midii ugu horaysay ee daaha kafayday mugdigii iyo marin habaabintii haysatay dadka qurbaha ee DDSI kuwaas oo aan hada kahor helin xidhiidhkan ay maanta dadkoodii iyo dalkoodiiba kaga qaybqaateen nabadgaliyada iyo horumarka. Waxaa kale oo ay intaas kudareen in ay guushan maanta kugaadheen socdaalada taariikhiga ah madaxwaynuhu dadkiisa kaga war qabo dal iyo dibadba.

Ma aha markii ugu horaysay ee ay madaxda DDSI socdaaladan oo kale u tagaan dalka dibadiisa balse waxaa xusid mudan in madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar uu shanta qaaradood ee aduunka u tagay hawlaha horumarka iyo mabadgaliyada dalka iyo deegaankaba.

Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar waxaa uu socdaalo taariikhi ah kumaray dalka iyo dibadaba kuwaas oo xidhiidhka dadwaynaha iyo horumarka dalka kaalin sare kaqaatay iyadoo ay in badan wasaarada arimaha dibada iyo wakaalada qurbajoogta Itoobiya ay shaaca kaqaaday kaalinta hormuudnimo ee xidhiidhka dadwaynaha ee dalka iyo dibadaba ee DDSI.
Kala soco CakaaraNews socdaaladan dibada ee madaxda DDSI iyo faah faahintooda.