Ramadan Kariim 



 

      

Masuuliyiinta Wasaarada Biyaha DDSI Oo Kulan Kusaabsan Isticmaalka Biyo-galinta M.M.Jigjiga Layeeshay Maamulada 20 Xaafadood Ee Magaalada Jigjiga.

Jigjiga(CN) Arbaco.Mar.04.2015, wasaarada horumarinta  khayraadka biyaha ee DDSI oo kaduulaysa hirgalinta qorshayaasha xukuumada DDSI ee ku qotomay ka xaqabtirka bulshada deegaanka  adeegyada  baahida biyaha fadiifta ah ayaa waxa uu dadaal xoogan ugu jiraa sidii looga midho dhalinlahaa qorshayaashaasi.

Haddaba waxaa ka dhacay hoolka shirarka ee Nogob Huteel kulan balaadhan oo ay soo diyaarisay  wasaarada khayraadka biyaha DDSI  kulankaas oo ay ka soo qaybgaleen wasiirada horumarinta khayraadka biyaha DDSI marwo Fartuun Cabdi Mahdi, wasiir ku xigeenka xafiiska biyaha mudane Cabdirahmaan Curaagte dhamaan masuuliyiinta maamulada  xaafadaha kaladuwan ee maamulka magaalada jijga iyo waliba  qaybo ka mid aha shacabka kudhaqan magaalada Jijga iyo masuuliyiinta wakaalada khayraadka biyaha ee maamulka magaalada Jigjiga.

Ujeedda kulankaasi   ayaa ahayd  sidii loo  gorfayn lahaa  hawlaha fidinta biyagalinta maamulka magaalada jijiga  maadaama oo  la soo gabagabeeyay mashruucii biyo galinta jigjiga iyo sidii loogu fidinlahaa biyo galinta magaalada jijiga looga gaadhsiinlahaa xaafadaha kala duwan ee magaalada jigjiga looga galin lahaa biyaha xaafad ka xaafad.

Hadaba kulankan ayaa furitaankiisii waxaa haladalo ku aadan hawlaha biyagalinta xaafadaha mgaalada jijiga ka soo jeedisay wasiirada xafiiska horumarinta khayraadka biyaha ee DDSI marwo fartuun cabdi mahdi oo sheegtay in la soo gabagabeeyay mashruucii biyo galinta magaalada jijiga wakhti xaadirkana la soo gaadhay xiligii xaafadaha magaalada jijiga guryaha loo galinlahaa qasabadaha biyaha loogana bilaabilahaa xarumada maamulada xaafadaha jijiga diwaangalinta guryaha u baahan biyo galinta  

Marwo Furtuun Cabdi Mahdi ayaa  intaa waxay ku tartay in maamulada xaafadaha kaladuwan ee magaalada jijiga iyo wakaalada khayraadka biyaha ee maamulka magaalada jijiga looga baahan yahay in ay ka soo baxaan kaalintooda kaga aadan fidinta ka xaqabtirka bulshada xaafadaha jijiga helida biyaha fadiifta ah.

Dhanka kale ka soo qaybgalayaashii kulanka ayaa dhankooda balanqaaday in ay ka soo bixi doonaan kaalintooda kaga aadan hawlaha fidinta biyagalinta magaalada jijiga. Sidoo kale Bulshada  kudhaqan magaalada jijiga ayaa soo dhaweeyayay hawlha biyagalinta sheegayna in ay aad ugu faraxsanyihiin hawlaha fidinta iyo isticmaalka biyagalinta magaalada Jijiga.

Ugudanbayn ayaa kulankan waxaa laysla qaatay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo gabagabay hawalaha fidinta biyagalinta xaafadaha magaalada jijiga guri ka guri walaw ay jireen inta badan guryaha ay  lahaayeen biyagalintan balse ay jiraan guryo ubaahan aan wali helin biyagalintaas maadaama maalinba maalinta kadanbaysa oo sii fidayo baladhanayso magaalada jijiga.