Xafiiska Adeeg Bixinta Ee Maamulka Magaalada Jigjiga Oo Soo Gabagabaynaya Wado (Concrete Asphalt 1 KM) Oo Isku Xidhaysa Taiwankii Hore Ee Magalada Jigjiga Iyo Jidka Sodonka.

Jigjiga(CN) Arbaco.Mar.04.2015, xukuumada DDSI oo u qorshaysay in Maamulka Magaalada Jigjiga ka dhisaan wadooyin laami ah oo dhan 18km nooca laamiga Class A ee loo yaqaano (Concrete Asphalt) ayaa lagu guulaystay dhamaystirka wadooyin laami nooca sare ah.

Iyadoo maamulka magaalada Jigjiga ay dhamaystireen wadooyin badan oo laami ah ayaa waxaa hada gabo gabo maraysa wado laami ah oo 1KM ah oo isku xidhaysa taywankii hore iyo jidka 30ka wadadan oo si her sare ah loo dhisayo.

Waxaana maanta  booqday Shabakada wararka ee Cakaaranews oo halkaasi kula kulantay Maareeyaha  Maamulka Magaalada Jigjiga Mudane Cabdikarin Cawil Barkhadle (Fanax) oo isagu markaasi kormeerayay qaab socodka shaqo iyo injineerada ku hawlan dhismaha wadadan.

Maareeyaha  Maamulka Magaalada Jigjiga Mudane Cabdikarin Cawil barkhadle (Fanax) oo markaasi u xaqiijiyay shabakada cakaaranews in mudo kooban lagu soo gaba gabayn doono xadhigana laga jari doono. 

Maareeyuhu wuxuu intaas ku daray in  xukumada DDSI qorshaysay 18 km oo laami ah in laga dhiso Magalada Jigjiga, iyadoo sanadkan qorshaysan tahay  wadooyin tayaysan oo Laami ah  lana soo gabo gabaynayo,  horayna lo sameyay kuwo kale, hadana ay qorshaysan tahay sadex wado oo kale oo ay ku jiro wada Qoraxay Street ee dhakhtarka Karamardha hor marta iyadoo la dhigayo laami tayaysan nooca loo yaqaano Concrete Asphalt.