Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Dawlada Dhexe Oo Qorshaha 5ta Sano Ee GTP2 Ugu Dartay DDSI Jaamacad, Warshad Sonkor, Wadooyin Laami Ah Iyo Mashaariico Badan.

Addis Ababa(CN) Khamiis.Mar.05.2015, sida aan wada ogsoonahay waxaa guud ahaan dalka Itoobiya uu galayaa wareegii labaad ee qorshaha shanta sano ee isbadalka iyo kobaca dhaqaalaha (GTP2) iyadoo uu sanadkani yahay kii ugu danbeeyay ee qorshihii hore islamarkaana hada lagu jiro diyaarinta qorshaha labaad.

Dawlada dhexe ee federaalka Itoobiya ayaa qorshan labaad ee GTP2 bilaabaysaa mashaariico badan oo gabi ahaan dalka ah iyo kuwo ugaar ah DDSI iyadoo ay xusid mudan tahay in Itoobiya ay sanadadii ugu danbaysay gaadhay isbadal xawli ah islamarkaana dhaqaaluhu kor u kacayay tiro laba godle ah (double digit economic growth) taasoo dalka u horseeday wadadan maanta u jihaysan wadamada dhaqaalahoodu dhex dhexaadka yahay.

Hadaba arintaas ayaan madaxwaynaha DDI mudane Cabdi Maxamuud Cumar wax kawaydiinay waxa uuna sheegay in ay sidaas tahay oo ay jirto jaamacad cusub iyo warshada sonkorta oo deegaanka loogu daray qorshahan GTP2.

Waxaa intaas dheer ayuu yidhi madaxwaynuhu in ay dhamaan masuuliyiinta sare ee dawlada dhexe iyo kuwa ay sida gaarka ah u khusayso ay si balaadhan uga  wada hadleen mashaariicda ay DDSI u baahantahay shanta sano ee soo socota.

Waraysigan oo ay shabakada CakaaraNews wax ka wadiisay madaxwaynaha wakhti uu kasoo baxay shir lagaga wada hadlayay wax qabadka dawlada dhexe ee shanata sano ee soo socota ayuu madaxwaynuhu sheegay in ay kawada hadleen sidii loo bilaabi lahaa biyo xidheenka Xamaro Dam. Sidoo kale waxaa qorshan kamida mashaariico waawayn oo diirada saaraya isbadalka dhaqaale ee dalka.