Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Wasiirada Marwo Raxmo: Waxaan Sanadguurada 17aad EE XDSHSI Ku xaqiijinaynaa Waaga Cusub Ee U Baryay Gaar Ahaan Haweenka Iyo Dhalinyarada.

Jigjiga(CN) Sabti. Mar.07.2015, wasiirada xafiiska arimaha haweenka caruurta iyo dhalinyarada DDSI marwo Raxma Suuldaan Maxamuud Haybe oo ka soo jeedisay khudbad dheer munaasabadii xuskii 17aad ee aas aaska maalinta XDSHSI ayaa waxay tilmaan guud ka bixisay xiliga uu ku soo beegmay xuskani sanadkan.

Waxayna wasiiradu sheegay in uu xuskani sanadkan ku soo beegmay wakhti uu xisbiga xukuumada iyo shacbaka deegaankuba guulo waafiya ka soo hooyeen dhamaanba qorshayaashii horumarineed nabadgalyo iyo maamulka suuban, wakhti ay xukuumada iyo xisbigu si saxar tirag uga jawaabeen baahiyaha shacabka deegaanka ee ku qotomay ka xaqabtirada shacabka dhinacyada helitaanka biyaha nadiifta ah, bulshada xoolo dhaqatada ah ee laga dhigay xoolo dhaqato beeralayd ee loo sameeyay nolo dagan oo leh caafimaadkii waxbarashadii iyo wax soo saarka beeraha.

Waxaa kale oo ay wasiiradu si durugsan ugu nuux nuuxsatay in uu xuskani ku soo beegmay wakhti uu xisbiga iyo xukuumaduba siwayn ugu guulaysteen hirgalinta ilaalinta xuquqaha sinaanta saamiga ka qaybgalka haweenka iyada oo ku soo beegan tahay ayay tidhi wasiiradu xili ay haweenka DDSI xukuumada ka hayaan xilalkii ugu sareegay iyo xili uu xisbigu siiyay haweenka saami aad u cusul oo ah dhinaca musharaxiinta xildhibaanimada taasina ay tahay guulo u soo hoyday haweenka.

Waxaa kale oo ay carabka ku dhufatay wasiiradu in ay siwayn ugu diyaar garoobeen xusitaanka maalinta haweenka 8 March 7, 2015 taasi oo maalinta barito ah laga xusidoona deegaanka iyo caalamkaba.