Waftigii Uu Horkacayay Kuxigeenka Madxwaynaha DDSI Ee America Oo Gaadhay Washington.

Washington(CN) Sabti.Mar.07.2015, waxaad CakaaraNews kala socoteen socdaalada dibada ee madaxda sare ee DDSI kuwaas oo wadamo kala duwan oo dibada ah isumaraya, iyadoo uu madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar wakhti xaadirkan booqasho hawleed kujooga dalka Talyaaniga.

Hadaba shabakada CakaaraNews oo laxidhiidhay waftigii Ameerika wakhtigan kusugan ee uu horkacayay madaxwayne kuxigeenka mudane Cabdixakiim Cigaal Cumar ayaa hada kusugan magaalada Washington ee cariga maraykanka.

Madaxda waftigan oo ay kamid yihiin wasiirka ganacsiga DDSI mudane Khadar Cabdi Ismaaciil, madaxa xarunta dhexe X.D.SH.S.I mudane Cabdicasiis Macamed Cabdi, iyo Eng.Zubeer Cabdilaahi Axmed ayaa waxay shabakadu si toos ah ula xidhiidhay madaxa xarunta dhexe mudane Cabdicasiis Maxamed oo leh awood madaxwayne kuxigeen.

Mudane Cabdicasiis ayaa ugu horayntii yidhi " Anigoo ku hadlaya magaca XDSHSI iyo waftiyada socdaalada dibada ku hawlan ayaan ugu horayntii waxaan ugu hanbalyaynayaa shacabwaynaha DDSI iyo dhamaan taageeraha xisbiga sanadguuradii 17aad ee maanta sida wayn looga xusayay deegaanka gaar ahaan xarunta DDSI ee Jigjiga, waxaana uga mahadcelinayaa shacabka iyo dhamaan madaxda sare ee xubnaha xisbiga."

Mudane Cabdi casiis ayaa sheegay in socdaalkani uu xanbaarsanyahay u jeedooyin badan oo wax ku ool u leh xidhiidhka dadwaynaha, horumarka iyo nabadgaliyada.

Socdaalka madaxda sare ee uu kamid yahay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa kusoo beegmay wakhti ay DDSI guulo taariikhi ah kasoo hoyisay xidhiidhka arimaha dibada iyo xili uu XDSHSI hantay taageero aad u balaadhan oo dal iyo dibad ah. Madaxadan ayaa lafilayaa inay dalal kala duwan soo maraan iyadoo ay haatan ku hawlan yihii shaqooyinkoodii.

Kala soco CakaaraNews socdaalada madaxda DDSI ee dibada iyo faah faahintooda.