Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Jaaliyada DDSI ee Birmingham UK oo Si Heersare ah ugu Danaaldegay Sanad Guurada 17 jirsatay ee Ka soo wareegtay Aasaaskii XDSHSI.

Birmingham(CN) Waxaa  Guud Ahaanba Deegaanka Si Meeqaam Sare Ah Looga Dabaal Dagay Xuska Sanad Guurada 17 Aad Ee Ka Soo Wareegtay Aas Aaska XDSHSI, Ayaa Waxay Munaasabad Siwayn Loo Soo Maamuusay Loo Qurxiyay Ka Dhacday Xarunta Labaad Ee Caasimada Uk Ee Magaalada Birmingham.

Munaasabadan Dabaal Daga Xuska Maalinta Aas Aaska XDSHSI Oo Maalmihii Ugu Danbeeyay Si Balaadhan Loogu Sii Diyaar Garoobayay Jaaliyadda DDSI Magaalada Birmigham Ay Ku Muujinayeen Jacaylka Maalintan Ay U Qabaan Ayaa Shaleyto Jawi Aad U Qurux Badan Uga Qabsoontay Hoolka Shirarka Jaaliyadda Birmingham.

Munaasabadaasi Ayaa Waxaa Ka Soo Qaybgalay Masuuliyiin Sare Oo Ka Tirsan Jaaliyadda DDSI Ee Magaalada Birmingham Gudoomiyaha Jaaliyadda DDSi Ee Magaalada Birmingham Bashiir Deegaan Iyo Shekh Dhayib Iyo Ugaas Xasan Iyo Bile Iyo Maxamed Askariiyo Iyo Gudoomiyaha Haweenka Jaaliyadda DDSI Ee Magaalada Birmingham Farxiyo Cabdiqadir Iyo Kuxigeenkeeda Ayaan Xasan Aamusane Iyo Qeybaha Kale Ee Jaaliyadda DDSI.

 Ugu Horayntii Waxaa Munaasabadan Lagu Furay Heesta Calanka DDSI Waxaana Khubadii Furitaanka Ka Soo Jeediyay Ugaas Xasan Wuxuuna Ugu Horayntii Ugu Hanbalyeeyay Shacabka Deegaanku Meel Kasta Oo Ay Joogaan Dalka Iyo Dibadaba Xuska Mudaanabadan Qaaliga Ah.

Wuxuuna Ugaas Xasan Ka Warbixiyay Dadaalada Xoogan Ugu Jiro Guul Ka Gaadhay Ka Dhimo Dhalinta Dhamaadka Qorshihii Growth And Transformation Plan (GTP) Isbadalka Koboca Dhaqaalaha Ee 5 Sano Ee Uu Dalka Iyo Deegaankuba Kaga Mid Noqonayaal Wadamada Uu Dhaqaalahoodu Dhex Dhexaadka Yahay.

 Waxaa Kaloo Halkaasi Kahadlay Gudoomiyaha Jaaliyadda DDSI Ee Magaalada Birmingham Mudane Bashiir Deegaan Wuxuuna Ugu Horayntii Ugu Hanbalyeeyay Shacabka Deegaanku Meel Kasta Oo Ay Joogaan Dalka Iyo Dibadaba Xuska Mudaanabadan Qaaliga Ah.

 Wuxuuna Gudoomiye Bashiir Si Qoto Dheer Uga Warbixiyay Guud Ahaanba Guulaha Uu Xisbigu Sanadihii Ugu Danbeeyay Ka Soo Hooyay Dhinacyada Nabadgalyada Horumarka Iyo Maamulka Suuba Iyada Oo Si Dhabka Looga Guul Gaadhay Adeegyada Aas Aasiga Ah Ee Baahiyaha Shacabkeena Sida Helitaanka Biyaha Nadiifta Ah, Adeega Caafimaadka, Waxbarashada Beeraha Dib U Dajinta Jidadka Iyo Kor U Qaadida Guud Ahaanba Koboca Dhaqaalaha DDSI Iyo Waliba Hiigsiga Gaadhsiinta Shacabka Deegaanka Horumar Waaro Oo Aan Soo Noqod Lahayn.

Waxaa Kaloo  Halkasi Kahadlay Shekh Dayib Oo Katirsan Hayada Culmada Dalka Ingariiska Oo Siweyn Halkaasi Uga Hadlay Taasoo Ay Jaaliyadda Aad Ugu Farxeen Warbixinta Uu Halkasi Kasiiyay. Waxaa Kaloo Halkaasi Ka Hadlay Gudoomiyaha Haweenka Jaaliyadda DDSi Ee Magaalada Birmingham UK Marwo Farxiyo Cabdiqadir Oo Hambalyo U Dirtay Dhamaan Shacabka DDSi Meelkasta Ay Joogaan Dalka Dibada Sanadguuradii 17aad XDSHSI Kasoo Wareegatay.

 Waxaa Kaloo Halkaasi Ka Hadlay Gudoomiyaha Kuxigeenka Haweenka Jaaliyadda DDSi Ee Magaalada Birmingham UK Marwo Ayaan Xasan Aamusane Hambalyo U Dirtay Dhamaan Shacabka DDSi Meelkasta Ay Joogaan Dalka Dibada Sanadguuradii 17aad XDSHSI Kasoo Wareegatay Waxaa Kaloo Halkaasi Ka Hadlay Maxamed Askari Oo Hambalyo U Dirtay Dhamaan Shacabka DDSi Meelkasta Ay Joogaan Dalka Dibada Sanadguuradii 17aad XDSHSI Kasoo Wareegatay.

Kulanka Jaaliyadda ‪DDSi‬ Ee ‪Birmingham‬ -Taagerada Xukuumadda DDSI & XDSHSI Waxaa Kaloo Halkaasi Kahadlay Gudoomiyaha Kuxigeenka Jaaliyadda DDSi Ee Magaalada Birmingham UK Mudane Bile Ayaa Uga Mahad Celiyay Ka Soo Qeybgalayaasha Shirka Wuxuu Hambalyo U Diray Dhamaan Xubnaha XDSHSi Iyo Taageerayaasha Xisbiga Dalka Iyo Dibada Shirkaasi Ayaa Wuxuu Ku Dhamaaday Farxad Iyo Guul