Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Waftigii Madaxda Sare Ee DDSI Iyo Safiirka Itoobiya Ee Maraykanka Oo Shir Kuyeeshay Washington DC.

Washington(CN) Isniin.Mar.09.2015, waftiyadii madaxda sare ee DDSI oo uu ugu horeeyo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo safaarada Itoobiya ee maraykanka oo maanta shir kuyeeshay magaalada Washington DC ayaa wadahadal iyo xog iswaydaarsi kayeeshay qorshihii socdaalka iyo barnaamijka waftiga.

Safiirka dalka Itoobiya ee fadhigiisu yahay Wshington DC Ambassador Girma Biru ayaa madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud kusoo dhaweeyay halkaasi iyagoo shir balaadhan kayeeshay qorshayaasha iyo socdaalada waftiga madaxda sare ee DDSI.

Shirkan ayaa lagu go'aamiyay sidii loo bilaabi lahaa qorshaha iyo barnaamijyadii waftiga ee maraykanka waxaana hada si toos ah loo bilaabay qorshihii oo dhamaystiran. Xog iswaydaarsigan ayuu safiirku ku amaanay qurbajoogta DDSI kaalintooda hormuudnimo iyo dadaalka gaarka ah ay xukuumadu kawada xidhiidhka dibada taasoo uu sheegay in door sare uu deegaanku kaqaadanayo.

Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sanadadii ugu danbeeyay ku amaanan dhinacyo badan oo ay dawlada dhexe ku abaalmariay xukuumada gaar ahaan xidhiidhka dadwaynaha ee dalka iyo dibada oo guulo dhanka nabada iyo horumarka ah deegaanku kasoo hoyiyay.

Dhanka kale wararka naga soo gaadhaya jaaliyaadka qurabaha ayaa sheegaya in ay muujinayaan soo dhawayn kal iyo laab ah oo ku aadan madaxwaynaha iyo madaxda DDSI ee socdaalkan dibada.

Kala soco CakaaraNews wararka iyo faahfaahinta socdaaladan dibada ee madaxda sare ee DDSI.