Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Maamulka Safaarada Itoobiya Ee Maraykanka Oo Qabanaya Shir Lagu Midaynayo Awooda Qurbajoogta Itoobiya.

Washington(CN) Arbaco.Mar.11.2015, war hada naga soo gaadhay cariga maraykanka ayaa sheegaya in masuuliyiinta maamulka safaarada Itoobiya iyo waftigii madaxda DDSI ay shir yeelan doonaan maalinta Jimcaha ee fooda inagu soo haysa kaasoo lagaga hadlayo sidii loo midayn lahaa awoodaha qurbajoogta reer Itoobiya.

Shirkan ayay u jeedadiisu tahay sidii loo midayn lahaa qurbajoogta qoomiyadaha kala duwan ee Itoobiya kuwaas oo awood badan ku leh dalkaasi. Shirkan ayaa bilaabanaya  13 bishan March oo ku aadan maalinta Jimacaha.

Qurbajoogta reer Itoobiya ayaa kaalin muhiim ah ka qaata markasta hawlaha horumarka dalkooda iyo nabadgaliyadaba kuwaas oo ay guulo badan kasoo hoyiyeen.