Halgankii Madaxwaynaha DDSI uu kula jiray Daacish,SSI-5,Al-qushaash iyo UBBO oo Haatan u Gudbay Ginbot 7

Washigton DC(CN) Arbaco.Maaar.11.2015. Makonen Getachew Asefa Haile Mariam iyo kooxdiisii shacbiya ayaa gabi ahaanba ku fashilmay isku daygoogii maangaabnimo ee ay caadaysteen kulana kacaan madaxda JDF hada ka hor ayaa ay wakhtiyada ay madaxda federalku danahooda shaqsiyadeed ka soo fushanayaan magaalada iyo suuqyada waawayn si ay shopping uga soo samaystaan ay Camerado la daba socon jireen iyagoona u gaysan jiray aflagaado iyo cay ka baxsan akhlaaqda binuaadamka iyo sharcigaba.

Hadaba makonen Getachew Asefa Haile mariam iyo kooxdiisii eriteriyaanka ahayd dawaco meeshay macal uga baratay ayaa ay macaluul ugu bakhtidaaye! ayaa af libaax galay ka dib markii ay ku hungoobeen in ay madaxwaynaha DDSI iyo waftigiisa kula kacaan falalkoodii iyo akhlaaq xumadii Ginbot 7 hore looga bartay Horaa loo yidhi " Geelow Daaqoo Daaqoo markaad Ganboor daaqdaa laguu yaabaa.

Madaxwaynaha iyo waftigiisa ayaa si cilmiyaysan uga sii baaraan degay Qorshaha Ginbot 7 islamarkaana ay kala kulmeen tabo iyo xeelado aynan ka soo waaqsan karin Madaxwaynaha DDSI oo si kalsooni buuxda iyo Geesinimo leh iskaga caabiyay MOKONEN iyo kooxdiisii. telefishanka ESAT ayaa markii ugu horaysay ku fashilmay warbaahinta ka dib markii qorshihii ay soo maleegeen ku fashilmeen Si cadna u sheegeen in aynan sii dayn karin muuqaalada iyo hadalada laga soo duubay Madaxwaynaha DDSI iyagoona ku marmarsooday madaxwaynaha Soomaalida itoobiya ayaa aflagaadooday balse ma aha waxa ku kalifay in ay sii dayn kari waayaan Videowga laga soo duubay madaxwaynaha taasoo ah BAROORTU ORGIGA KA WAYN.

Ujeedada dhabta ah ee ku kaliftay in ay sii dayn kari waayaan VIDEO-ga madaxwaynaha laga soo duubay ee maanta markii1aad fashilka saxaafadeed ku keentay Telefishanka ESAT ayaa ay sababeen Qodobadan Hoose.

1-Madaxwaynaha DDSI ayaa si kalsooni iyo Geesinimaba leh iskaga celiyay Mokonen iyo kooxdiisii shacbiya.

2-madaxwaynaha iyo Waftigiisa ayaa markiiba kala soo baxay jeebabka Waraaqo ay ku qoran yihiin halkudhegyo Muujinaya waxa ay u aasaasan yihiin Ginbot 7 iyo isbahaysigooda Shacbiya taasooy cadho ka muujiyeen khidada iyo xeelada casriga ah ee ay Waftiga Xukuumada DDSI ee uu hogaaminayo madaxwayne mudane CMC u degeen(shalaad Dhalate waa la shubi jiray).

3-Madaxwaynaha DDSI oo sida socialnetworkiyada laga daawaday Mokonen laftigiisa kaga duubay duubay mobileka isagoo qadaadka la qabtay oo ay sii takhaan tikhinayaan Policeka iyo Securrtyga maraykanka oo cabaadkiisa la sii maqlayay.

4-Qurbajoogta soomaalida oo ninkii dhankooda ka baacsanaya oo uu Mokonen baryootan iyo oohin isku daray

5- Makonen Getachew Asefa xayle maryan oo baabuur ay leeyihiin Sheriff boliska maraykanka lagu tuuray talaabadan oo aan waligii ku dhicin mokonen oo caadaystay aflagaadaynta iyo ladaba galida kaamerada madaxda JDFI.

6-Ma sii daynkarno cadaymaha Qoraalada iyo madaxwaynaha DDSI ee jeebka gacmaha kula jira taasoo muujinaysa kalsoonida buuxda ee uu qabay 7- iyo markii ay ogaadeen in madaxwaynaha DDSI uu ka duubay dhamaan dhacdooyinkii iyo fashilkii ku dhacay Mokonen iyo kooxdiisii.

Safiirka DFI u fadhiya Washington DC mudane exccelence Girma Biru,Qunsulka iyo dhamaan shaqaalaha iyo diplomaasiyiinta safaarada oo soo dhaweeyay sida geesinimada iyokalsoonida leh ee uu madaxwaynaha DDSI mudane CMC u fashilay iskudaygii akhlaaqxumada ahaa ee ay caadaysteen Ginbot 7 iyo Kooxdooda shacbiya looguna dhigay cashar lama ilaawaan ah oo ay candhuuftii dib ugu liqeen.

Dhanka kale Magaalooyinka addis-ababa iyo jigjiga ayaa aad looga soo dhaweeyay sida geesinimada leh ee ay madaxwaynaha iyo waftigiisu ay khibradooda iyo xeelado aan wali lagula dhaqmin falaadxumada Ginbot 7 ay kula kacaan madaxda dalka. inkastoo dalka maraykanka ay ka jirto dimoqraadiyad iyo in qofku siduu doono u hadli karo lkn ginbot 7 waxa ay dheer yihiin akhlaaqxumada sharciga ka soo horjeeda.

Halganka xukuumada iyo XDSHSI ku jiraan ka dib markii ay UBBO meel saareen loona jeedsaday horumarka iyo iskuxidhka shacabka dal iyo dibadba in haatan loo soo jeestay sidii loo furfuri lahaa silsilada Ginbot 7,Qinijit iyo shacbiya ee ku miciyaystay Washington DC iyo magaalooyin kalaba.

Sidoo kale Qurbajoogta soomaalida itoobiya ee waqooyiga maraykanka ayaa aad u soo dhaweeyay sidii geesinimada iyo kalsoonida lahayd ee uu iskaga celiyay Calooshiis u shaqayste Mokonen iyo kooxdiisii inkastoo ay gadoodeen rabaana in ay Ginbot 7 iyo shacbiya xididada uga siibaan Washington iyo guud ahaanba waqooyiga ameerika iyagoona soo buuxdhaafiyay maanta washington DC kana kala yimid Gobolada dalkka walow uu madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar uu dejinayay Qurbajoogta soomaalida itoobiya.

Barta internetka sida facebook iyo twitterka ee ay dadku ku kulmaan ayaa aad looga cambaareeyey falkan waxashnimo islamarkaana taageeradii ugu badnayd ay shacabku u soo direen xukuumada,XDSHSI iyo madaxwaynaha deegaanka mudane cabdi maxamuud cumar kuwaasoo marag madoon u tahay commentiyada laga bixinayay oo noqday kuwa ugu badan sanadkan.

Isku soo wada duuboo Xukuumada waxa ay maanta maraysaa in xukuumada DDSI ay shafka u daruurto burburinta aragtida cidhiidhyoon ee ay isku bahaysteen Ginbot 7,Qinijit iyo Shacbiya oo maanta afka libaax uga galay xeelado iyo tabo casri ah oo aynan hore u barana ay madaxwaynaha ddsi iyo waftigiisu ula soo baxeen isku day ay ku hungoobeen.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA VIDEOWGA LAGA DUUBAY MOKONEN IYO KOOXDIISII SHACBIYA Click Here