Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Waftigii Ku Sugnaa Socdaalka Dibada Ee Madaxda Sare DDSI Oo Shirar Goos Goos Ah Kujira.

Washington(CN) sida uu kusoo waramayo wariyaha CakaaraNews ee Waqooyi Ameerika ayaa sheegaya in waftigii madaxda sare ee DDSI ee uu horkacayay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ay shirar gooni gooni ah kujiraan. Waxaana waftiga hada kusoo biiray qunsulka Los Angeles mudane Xabiib Muxumed Yusuf.

Waftigu waxay shirar hore oo kala duwan laqaateen safaarada Itoobiya iyo masuuliyiinteeda oo uu ugu horeeyo safiirka Ambassador Girma Biru. Kulamadaas ayaa waxaa la isla meel dhigay arimo ay kamid ahaayeen miaynta awooda qurnajoogra Itoobiya oo kaalin hor muud kuleh hawlaha horumarka iyo maalgashiga dalka.

Shirarkan goos gooska ah iyo waxa kasoo baxa hadii Eebe raali kanoqdo waxaan dib idin kala socodsiin doonaa wararkanaga danbe ee CakaaraNews.