Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Waftiga Madaxda Sare DDSI Ee Socdaalka Dibada Oo U Diyaar Garoobaya Shirwaynaha Minneapolis Iyo Qurbajoogta oo Aad U Soo Dhawaysay.

Minneapolis(CN) Sabti.Mar.14.2015, war hada nagasoo gaadhay dhanka Waqooyiga Ameerika ayaa sheegaya in waftigii sare ee DDSI ee kusugan North America ay diyaar garow ugu jiraan shirwayne kadhici doona caasimada Minneapolis ee gobolka Minnesota.

Sida uu kusoo waramayo wariyaha CakaaraNews ee uqaabilsan Waqooyi Ameerika  Shirkan ayaa kadhici doona toddobaadkan gudihiisa caasimada Minneapolis MN ee cariga maraykanka. 

Qurbajoogta u dhalatay DDSI ayaa aad u soo dhawaysay guud ahaanba socdaalkan waftiga madaxda sare ee DDSI oo uu horkacayo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyadoo ay soo dhawayn balaadhan si gaar ah uga muuqato Minneapolis oo ay toddobaadkan waftigu shir ku qaban doonaan.