Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Jaaliyada, Ururka Haweenka SUGAN Iyo Ururka Dhalinyarada SEDYO Ee Wadanka Finland Oo Yeeshay Shir Ay Ku Taageerayaan Socdaalka Madaxwaynaha DDSI Iyo Madaxda Wahelinaysa.

Helsink-Finland(CN) Axad.Mar. Sida aan horey idiin ku sheegnay waxaa shabakada CakaaraNews soo gaadhayay maal mahan fariimo iyo qoraalo ka imanaya jaaliyadaha iyo ururada dalalka qurbaha ee u dhashay Itoobiya gaar ahaan DDSI kuwaas oo xanbaarsan baaqyo isugu jira taageero lagu soo dhawaynayo socdaalka madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo waftigiisa, sanadguurada xisbiga, iyo canbaarayn cidkasta oo hayaanka horumar ee DDSI kasoo hor jeeda.

Hadaba waxaa shalayto shir wada jir ah yeeshay ururka dhalinyarada SEDYO Finland, ururka haweenka SUGAN iyo jaaliyada Finland halkaas oo ay kasoo saareen baaq muujinaya taageerada wayn ee ay u qabaan guud ahaan hayaanka geedi socod ee DDSI gaar ahaan socdaalka waftiga madaxwaynaha DDSI oo wakhtigan kusugan Waqooyi Ameerika.

Shirkan ay ku idlaayeen Jaaliyda,  ururka haweenka SUGAN, iyo ururka SEDYO Finland ayaa lagusoo bandhigay qorshaha iyo istaratiijiga DDSI ee sanadadii ugu danbaysay isbadalka iyo guulaha waawayn soo hoyiyay gaar ahaan nabadgaliyada iyo horumarka halkaas oo ay xubnihii shirka kasoo qayb galay hadalo xanbaarsan taageero kal iyo laab ah kasoo jeediyeen.

Sidoo kale waxaa shirkan canbaarayn kulul ay xubnuhu kasoo jeediyeen isku deygii fashilmey ee ay fuliyeen kooxaha kasoo jeeda duuggii Derg, Ginbood 7, iyo Shacbiya taasoo ay ku tilmaameen wax aan haba yaraatee waxba u yeeli karin hayaaanka wayn ee DDSI iyo dadaalka madaxwaynaha DDSI ee ku aadan xidhiidhka dadwaynaha ee dal iyo dibad hada kahorna guulo iyo sumcad taariikhle kasoo hoyiyay.

Waxaa shirka kahadlay gudoomiyaha ururka haweenka marwo Aniisa M. Deeq oo kahadashay ahmiyada socdaalada madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo sida ay u soo dhawaynayaan qurbajoogta DDSI oo aad ugu faraxsan dadaalka madaxda DDSI ee xidhiidhka dadwaynaha.

Waxaa kaloo iyaguna shirkan kahadlay gudoomiyaha ururka dhalinyarada SEDYO Finland mudane Yusuf Axmed Maxamuud, gudoomiyaha golaha dhexe Jaaliyada mudane Maxamed Khadar Carab iyo xubanaha kale oo hadalo dhiiri galin iyo taageero buuxda leh kasoo jeediyay halkaasi. Sidoo kale waxaa shirkan kasoo qayb galay wakiilka u jooga xisbiga mudane Dayib Muxumed Barkhadle oo isagu mardhaw kasoo noqday wadankii kana warbixiyay xaalada horumar iyo isbadalka kajira DDSI.

Ururada haweenka SUGAN, SEDYO Finland iyo jaaliyada DDSI ee wadankaasi Finland ayaa ah kuwo iyagu markasta heegan ugu jira kana qayb qaata hawlaha horumarka iyo nabadgaliyada ee deegaankooda.

Shirkan wada jirka ah ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay qoraalo muujinaya taageerada madaxwaynaha DDSI iyo wagtigiisa ku hawlan arimaha xidhiidhka dadwaynaha kuwaas oo hada ku sii jeeda cariga maraykanka iyo caasimada Minneapolis.

Jaaliyadaha iyo ururada qurbajoogta DDSI ayaa aad u soo dhawaynaya socdaalka madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo waftigiisa oo hada kusugan Waqooyi Ameerika.