Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Ku-simaha xafiiska Madaxwaynaha Ahna Wasiirka Madaxtooyada oo Xadhiga Ka jartay 81 Gaadhi Luna Wareejisay Hay'adaha Nabadgelyada

Jogjiga (CN) MARCH.16.2015. Ku sii simaha madaxwaynaha DDSI ahna madaxwayne ku xigeenka DDSI oo xadhiga ka jartay 81 gaadhi oo ay xukuumada DDSI soo iibsatay.

Waxaa ka dhacay galabta barxada wayn ee xafiiska madaxwaynaha xaflad balaadhan oo xadhiga lagaga jarayay 81 gaadhi oo cusub ay xukuumada DDSI dhawaan soo iibsatay iskuguna jira nooca loo yaqaano qabaalada laba shidhlayda ah iyo kuwa halshidh leh ah.

Halka ay galabta joogeen goobta xafladu ka dhacaysay 51 gaadhi 30 ka mid ahina jidka ku soo jiraan.

Xafladdii lagu daah furayay gawaadhitan cusub ayaa waxaa ka soo qaybgalay ku simaha madaxwaynaha DDSI ahna madaxwayne ku xigeenka DDSI marwo sucaad ahmed faarax, golaha capinetka golaha wasiirada DDSI hogaanka nabadgalayda maamulka iyo cadaalada DDSI mudane yaasiin cabdilaahi waris iyo ku xigeenka Komishinka booliska DDSI general Maxamed maxamuud (qayo) .

Waxaana ugu horayntii ka hadashay ku simaha madaxwaynaha DDSI marwo sucaad ahmed faarax oo sheegay ahmiyada ay xukuumada DDSI u soo iibsatay gawaadhitan intaasi leeg waxayna oo ay tilmaantay in loogu talagalay hayadaha aminiga DDSI si ay u sii xoojiyaan hawlaha nabadgalyada, horumarka iyo adeegsiinta bulshada DDSI.

Waxaa kale oo iyaguna ka hadlay xafladan hogaanka nabadgalyada maamulka iyo cadaalada DDSI mudane yaasiin iyo ku xigeenka komoshineerka DDSI general maxamed maxamuud (qayo) kuwaasi oo si qoto dheer uga warbixiyay ahmiyada ay gawaadhidani u leeyihiin sii xoojinta hawlaha horumarka iyo nabadgalyada

Ku sii simaha madaxwaynaha ahna madaxwayne ku xigeenka DDSI marwo sucaad ahmed faarax ayaa waxay ku wareejisay gawaadhida cusub haa’yadaha aminiga DDSI oo uu u gudoomay hogaanka nabadgalyada maamulka iyo cadaalada DDSI mudane yaasiin cabdilaahi waris.

Isku soo wada xooriyoo gawaadhidan cusub ayaa ka qayb qaatan doonta sii karaargalinta hawlaah horumarka iyo nabadgalyada