Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Madaxwaynaha DDSI Oo Ay Boqolaalan Qurbajoogta DDSI Ah Si Wayn Ugu Soo Dhawaysay Minneapolis-Saint Paul International Airprt.

Minneapolis(CN) Isniin.March.16.2015, boqolaal qurbajoogta DDSI ah ayaa galabta si wayn ugu soo dhawaysay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo madaxdii wahelinaysay gagida caalimig ah ee Minneapolis-Saint Paul International Airport.

Garoonka ayaa waxaa galabta buux dhaafiyay qurbajoogta DDSI ee Minneapolis kusugnaa kuwaas oo madaxwaynaha dhulka kusimi waayay, iyagoo gacmaha kor ugu qaadayay salaan kal-gacaylo iyo ubaxyo nooc nooc ahna madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar lagusoo dhawayeeyay.

Qurbajoogta DDSI ayaa maal mahanba sugayay madaxwaynaha iyagoo sitay calamada dalka iyo DDSI iyo  qoraalo ay ku quraayeen fariimo muujinaya dareenkooda ku aadan madaxwaynaha iyo waftigiisa, waxaana ka muuqatay farxad iyo rayn rayn qurbajoogta oo iyagu si heer sare ah isu agaasimay.

Sida aad wararkanagii hore kala socoteen waxaa toddobaadkan gudihiis lafilayaa in magaalada Minneapolis ay madaxwaynaha iyo waftigiisu shir kulayeeshaan qurbajoogta DDSI oo iyagu aad u soo dhawaynaya socdaalka madaxwaynaha iyo madaxda wahelinaysa.

Waxaa baryihii ugu danbaysay isa soo jaraya taageerada balaadhan ee qurbajoogta DDSI taasoo ay kaalin laxaad leh ka qaataan hawlaha horumarka iyo nabadgaliyada dalka iyo deegaankaba. Isbadalka qurbajoogta iyo midnimada DDSI ayaa lagaadhay kadib markii uu madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar sameeyay dadaalka xidhiidhka dadwaynaha ee shanta qaaradood ee adduunka.

Kala soco CakaaraNews wararkanaga danbe ee waftiga madaxda DDSI iyo Minneapolis.