Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Daawo Ubbo DDSI Laga Sifee Dibadana Indhahaa Kuu Macalin Ah.

Minneapolis (CN) Talaado.March.17.2015, Sida aad lasocoteen wararkii hore ee CakaaraNews waxaa si wayn loogu soo dhaweeyay Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar Garoonka Minneapolis, halkaas oo ay boqolaal qurbajoog ahi si diiran oo gacmaha lagu xanbaaray ugu soo dhaweeyeen.

Hadaba waftiga madaxda sare ee DDSI oo iyagu gudanaya Hawlahoodii Horumarineed ayaa si meeqaan sare ah loogu soo dhaweeyay gagida caalaimaga ah ee Minneapolis-Saint Paul International Airport. 

Sida aad akhristow indha haagaba ku arki doonto Fiidiyowga hoose, waxaa kuu cad, in tabarta Ubbo  ee maanta gaar ahaan dibada ileen wadankii hadalkoodba majiree,  ay tahay in ay soo diyarsato 4 xubnood oo lagu soo xusho midka ugu qaylada dheer ama wah-wahda badan taasoo hadhaw ay ku qiimeeyaan midka xabeebta oo ay kutilmaamaan hal-gamaa.

Hadaba waxay dad badani is waydiinayaan meesha ay Ubbo ku danbaysay iyo cawaaqib xumada ku dhacday iyadoo ay dadku garwaaqanayaan in DDSI ay heerkan ku gaadhay oo ay dadka ku kasbatay horumar iyo biyo halka Ubbo ay hodday meel darana ka tuurtay dilka dhiiga shacabka iyo been hawaasnimada istaaga ku riyoonaysa taasoo ay xitaa soomaalida geeska Afrika iyo wadamada caalamkuba ku naceen.

Daawo Muuqaalkan ku tusaya wah-wahda Ubbo ee hadhaaga ku ah meelo kamida Minneapolis oo ayydu ku ilaalinayso CLICK HERE