Jaaliyada Edmonton Ee DDSI Oo Aad U Soo Dhawaynayasa Socdaalka Madaxwaynaha DDSI Iyo Waftigiisa Ee Qaarada North America.

Edmonton(CN) Arbaco.March.18.2015, waxaad wararkayagii hore ee shabakada CakaaraNews kala socoteen warbixino nagasoo gaadhayay maal mahan jaaliyaadka kala duwan ee DDSI ee dalalka qurbaha kuwaas oo aan si guud horey idiin ku soo gudbinay.

Hadaba waxaa jaaliyaadkaasi fariimaha baaqa ah nasoo gaadhsiiyay kamid ah jaaliyada Edmonton Gobolka Alpert- Canada ee Waqooyi Ameerica oo kamid ah jaaliyadaha iyagu sida dhiiranaanta leh iskood isu abaabula. Jaaliyadan ayaa soo jeedisay baaq taageero kal iyo laab ah oo ku aadan socdaalka madaxda sare ee DDSI oo uu horkacayo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar.

Baaqan ayaa si guud u xanbarsan taageerada wayn ee ay jaaliyadu u hayso imaatinka madaxwaynaha ee waqooyi Ameerika waxayna sidoo kale Jaaliyadu aad ugu hanbalyaynaysaa sanadguurada 17aad ee XDSHSI.

Gudoomiyaha Jaaliyada Edmonton ee DDSI mudane Deeq Sh. C/laahi Sheekh Khaliif ayaa sheegay in ay dhamaan xubnaha jaaliyada iyo ururka DYSE ay aad ugu faraxsanyihiin madaxwaynaha iyo waftigiisa isagoo sheegay in ay dhamaan jaaliyadu markasta u heelan tahay hawlaha horumarka iyo nabadgaliyada ee DDSI. Sidoo kale waxaa baaqan ku lifaaqnaa dhamaan magacyada xubnaha oo tahniyad balaadhan u diraya madaxwaynaha iyo waftigiisa.