Ogaysiis Deg Deg Ah: Taageerayaasha Iyo Kasoo Qayb Galayaasha Shirka Minneapolis In Ay Maanta Ugu Danbayso Soo Gudbinta Picture ID-ga Ee Gudiga Qaban-qaabada Shirka.

Minneapolis(CN) Khamiis.March.19.2015, waxaa dhamaan taageerayaasha iyo kasoo qayb galayaasha shirwaynaha wadatashiga Minneapolis  ee waftiga DDSI la ogaysiinayaa in ay maanta ugu danbayso soo gudbinta Picture-Id ee dhamaan xubnaha taageerayaasha iyo kasoo qayb galayaasha shirka si ay u helaan  Invitation Card.

Waxay masuuliyiinta gudiga qaban qaabada shirku ku baaqayaan in ay dhamaan xubnaha taageerayaasha iyo kasoo qayb galayaashu ay ugu danbayn maanta kusoo gud biyaan Picture Id gooda si ay u helaan kaarka martiqaadka ee Invitation Card.

Waxaa maanta ugu danbayn lagu soo gud binayaa Picture ID saacadu markay tahay 11:30 PM galabnimo ee saacada Minneapolis.

F.G waxaa dhamaan xubnaha taageerayaasha ee kasoo qayb galaya shirka la ogaysiinayaa in cidii kusoo gud bin wayda maanta aysan hadhaw shirka galaynin hadii uu san wadan Picture ID iyo Invitation Card iswaafaqsan oo uu isagu masuul kayahay.

Sidoo kale waxaa la ogaysiinayaa in dhamaan taageeayaasha iyo kasoo qayb galayaashu ay ka yimaadaan dhamaan wixii electronics ah sid mobile phone-ka oo ay gaadhiga ama haayadaha amniga kaga soo tagaaan. Islamarkaana ay u ilaaliyaan shuruudaha sida shirarka caalamiga ah oo kale.