Wasiir Kuxigeenka Qurba joogta DDSI Oo Si-wayn U Soo Dhaweeyay Uguna Mahad Naqay Qurba joogta U Dhalatay DDSI Sida Wadaniyada Leh Ee Ay U Soo Dhaweeyeen Waftigii madaxwaynaha DDSI.

Jigjiga(CN) Khamiis.March.19.2015, iyada oo guud ahaanba bulshada ku dhaqan deegaanka  iyo kuwa ku nool qaaradaha aduunkuba siwayn ugu mahad celinayaan kuna faraxsan yihiin sida muga leh ee ay qurba joogta u dhalatay deegaanka ee ku  nool Minneapolis ee wadanka maraykanka u soo dhaweeyeen waftigii uu hogaaminayay madaxwayne cabdi maxamuud cumar.

Haddaba wasiir ku xigeenka xidhiidhka qurba joogta DDSI mudane Bashiir Maxamed Cabdilaahi oo ugu waramayay xafiiskiisa  wariyaha shabakada wararka ee cakaaraNews ayaa si qoto dheer uga warbixiyay xidhiidhka wagaagsan  ee ka dhexeeya xukuumada DDSI iyo dhamaanba qurba joogta u dhalatay deegaanka ee ku dhaqan daafada aduunka.

Wuxuuna wasiir ku xigeenku  tilmaamay  in markii ay sanadihii ugu danbaysay  xukuumada DDSI dadaal xoogan u gashay sidii loo wanaajin lahaa xidhiidhka qurba joogta iyo  DDSI uu siwayn looga midho dhaliyay qurba joogta u dhalatay deegaankuna siwayn uga qaybqaataan hawlaha horumarka nabadgalyada, kor u qaadida koboca dhaqaalaha deegaanka, abuurida illaha shaqada.

Isaga oo wasiir ku xigeenku hadalkiisa  ayaa waxa uu si durugsan uga warbixiyay sida qotoda dheer ee ay ku dheehan tahay wadani nimada wadan jacaylka ee ay qurba joogta ku dhaqan magaalada Minneapolis  u soo dhaweeyeen waftigii uu hogaaminayay madaxwayne  Cabdi Maxamuud cumar.

Isku soo wada  xooriyoo waxaa boga xogkaydinta ee  shabakada wararka cakaaraNews si aan kala go’lahayn ugu soo dhacaya fariimaha ka imanaya dhamaan shacabka deegaanka meel kasta oo ay joogaan kuwaasi oo ku qotoma sida ay ugu faraxsan yihiin una soo dhawaynayaan sida diiran ee loo soo dhaweeyay waftigii uu madaxwaynuhu hogaaminayay.