Heesta DAYAX NUURI Waxaa Curiyay Qurbajoog C/raxmaan Maxamed Axmed(Indhagaale).

Jigjiga(CN) Khamiis March.19.2015.muwaadin ka soo jeeda qurbajoogta u dhalatay deegaanka gaar ahaan Gobolka qoraxay oo lagu magacaabo C/raxmaan maxamed Axmed kuna magac dheer Indhagaale ayaa in mudo ahba ku sugnaa DDSI isagoona ka mid ahaa Qurbajoogtii ugu horaysay ee Wafti balaadhan ku yimaada Deegaanka.

Hadaba indhagale oo si dhab ah isha ugu hayay sanadihii danbe Horumarka baaxada wayn ee guud ahaan DDSI ka hanoqaaday sidoo kalana sida uu XDSHSI u hantay Quluubta shacabka uu heeganka u yahay hadh iyo habeen, Nabadgalyada Salka loo dhigay ee koomka oo dhan laga dareemay iyomaamulka suuban ee hantay waxqabadka Horumarka aasaasiga u ah adeegyada shacabka loo fidiyo ayaa ay ka soo maaxatay maskaxdiisa baraad li'i heestan oo ku soo beegantay Xuskii 7aad ee ka soo wareegay aasaaskii XDSHSI. Heesta loogu magacdaray DAYAX NUURI ayaa u dhigan sidan.

Dunidaay na maqal maqal........................Deriskoow ogsoonoow.

Deegaanka soomaalida itoobiya..................Dimoqraadi baanu nahay.

Dib u curasho baanu nahay .....................dawlad horumartaan naahay.

Xisbi daacadiyo ..............................baarlamaan la doorto leh.

oo calankayaga..........................daruuruhuu hadhsanayaaye.

Damaashaadka faraxaan.........................U dabaal-degaynaaye.

Dastuurkiyo sharciga jira.....................Yaan ku kala danbaynaaye.

Danta Guud dul iyo hoos.......................Gudi dabagashaa jira.

 

KOORAS(Beydka 2aad).

Dugsi Dhaxanta celiyiyo.......................Dayax Nuuri baa jira.

Diracyada halyeyada ah........................iyo Hogaan daacadaa jira.

Doorkan Wiilal noo kacay......................oo na deeqay baa jira.

Noo daa allahayow.............................Waanu Dooranee.

Waannu u ducaynaa.............................Hanna daadahshaan abid Aamiin.

Dunidaay na maqal maqal ......................Deriskoow ogsoonow.

Deegaanka soomaalida itoobiya..................Dimoqraadi baan nahay.

 

Da'da noo kacaysoo............................Duruus barata baa jirta. Dood Cilmi dhaqaalaha........................Dayactiraya yaa jira.

Dayac aragti dheerloo........................Durba daahfurtaa jirta.

Danabyada Liyuugoo...........................Qaran Daafacaa ira.

Dadwaynahoo Walaalo ah.......................Isku duuban baa jira Deginiyo Hufnaan Badan ......................Hayin daadahshaa jira.

Curiye Qurbajoog C/raxmaan Maxamed Axmed(Indha-gaale).