Maqaal:- Horumarka Maanta iyo Hagardaamooyinkii Shalay Dalkeena Itoobiya.

Jigjiga(CN) Sabti March.21.2015. Horumarka Maanta iyo Hagardaamooyinkii Shalay Dalkeena Itoobiya.

Waxaan buuga iyo qalinka isku saartay in aan waxyar oo kooban ka ifiyo marxaladihii iyo isbadalkii taariikheed ee soomaray dalkeena itoobiya gaar ahaan farqiga u dhexeeya itoobiyadii shalay iyo itoobiyada maanta. Qarnigii la soo dhaafay itoobiya waxay xarun u ahayd cadaadiska iyo cabudhiska qoomiyadaha , shucuubta iyo dadyowga dalkeena itoobiya. Waxayna qoomiyadaha iyo shucuubta dalkeena itoobiya ku sugnaayeen xaalado lagu tuntay lana duudsiyay xaqoodii, xuquuqahoodii,afkoodii, dhaqankoodii iyo diin'toodiiba.

Haddaan dib u eegno xiligii Boqortooyada nidaamkii lagu hogaaminayay dalkeena itoobiya wuxuu ahaa mid ahmiyadiisu tahay aragti diimeed, kaasi oo ahaa nidaam ay Boqortooyada wax walib ka go’aan. Nidaamkaasi maahayn mid ka turjimaya dahana, xuquuqaha, qoomiyadaha, arimaha bulshada, dhaqaalaha iyo horumarka ay xaqa u leeyihiin helitaankooda muwaadiniinta reer itoobiya.

Tusaale ahaan dastuurkii xiligaasi Boqortooyada jiray wuxuu qeexayay xaqiijinayay in Dadka, Dhulka iyo Hantida shacabku yihiin kuwa uu leeyahay boqorku isaga oo aaminsanaa in boqorku EEBE ka waiil yahay. Bal eeg xaaladii taagnay ee haysatay qoomiyadaha iyo shucuubta dalkeena itoobiya xiligii maamulkii macangaga ahaa ee kalidii taliskii dhiigyo cabka ahaa ee dhergiga, nidaamkii xiligaasi ka jiray dalku malahay wax ka turjimaya hadana iyo xuquuqaha qoomiyadaha iyo shucuubta dadyowga itoobiya.

Dastuurkii xiligaasi dhergiga lagu hagayay dalkeena itoobiya wuxuu qeexayay in aan qofka ama qoyska magaalo dagan loo ogolayn in uu yeesho wax ka badan hal Qol oo kaliya, taasi oo maamulkii dhergigu isaga oo ka duulaya hirgalinta dastuurkaasi kula wareegay dhamaan dhulkii miyiga, magaalada, dugsiyadii waxbarashada gaarka loo lahaa warshadihii, iskaashatooyinkii, beerihii iyo wax soo saar gaarka loo lahaaba uu kula wareegay maamulkii dhergigu. Haddaba maamuladii xiliyadii boqortooyada iyo midkii nidaamkii mulatarigu dhergigu waxay siwayn ugu guul daraysteen aqoonsiga aragtida saraynta xuquuqaha qoomiyadaha shucuubta iyo dadyowga dalkeena itoobiya.

Waxayna ka jawaabi waayeen su’aalihii xuquuquhii aas aasiga ahaa ee qoomiyadaha. Maadaama oo ay gadhoodhay badatay ciilkii iyo cadhadii qoomiyaduhu ayaa halgan dheer loo galay qoomiyadaha iyo shucuubta dalkeena itoobiya u galeen sidii layskaga dulqaadilahaa maamulkii kalidii taliyihii dhergiga ee Mingisti. Halgan dheer oo loo soo huray naf iyo maalba ka dib waxaa 20kii ginbood sanadkii 1983 TI xoogan ay hogaaminayaan ururka EPRDF ay afka ciida u dareen kana xayuubiyiin xukunkii kalidii talisnimada maamulkaa dhergiga.

Dhamaan qoomiyadaha shucuubaha iyo dadyowga dalkeena itoobiya waxaa u baryay waa cusub itoobiya cusub kana duwan midkii duudsiyay xuquuqahooda ee ku taxa luqau cadaadiska iyo cabudhiska qoomiyaha. Haddaba maadaama oo ay bulshada reer itoobiya mudooyin badan u oomanaayeen baahiwayna u qabeen helidaanka dhismaha nidaam istaraatajiyada, siyaasadeed, dhaqaale oo cusub kuna salaysan u sinaanshaha , rabitaanka xorta ah iyo danaha guud ee qoomiyadaha iyo shucuubta itoobiya.

Iyada oo taasi laga anbaqaadayo danta taabo galinta nabad waarta iyo nidaam dimuqoraadiyadeed oo leh damaanad waarta iyo sidii loo unkilahaa koboca horumar dhaqaale oo waara loogana saarilahaa bulshada saboolnimada iyo jahliga soo daashaday. Akhriste waxay qoomiyadaha shucuubaha iyo dadyowga dalkeena itoobiya iyaga oo adeegsanaya xaqa ay u leeyihiin go’aaminta aayahooda, ayay rabitaankooda iyo raali noqoshadooda ay u madax banaan yihiin kuwada dhisteen hal bulsho oo dhistay dawlada federalisms oo loo dhan yahay leh siyaadad iyo dhaqaale mid ah.

Waxayna samaysteen dastuurka jamuuyiyada dimuqoraadiga faderaalka itoobiya oo qeexaya caqiidooyinka dhabta ahi in ay yihiin sugida xuquuqaha aas aasiga ah ee shaqsiyadeed qoomiyadaha iyo shucuubta dalkeena itoobiya, xaqiijinta sinaanshaha sinjiga in aan diimaha iyo dhaqamada kala duwan aan sinaba loo kala takoorin. Si simana looga wada faa’iidaysto horumarka nabadgalyada koboca dhaqaalaha iyo maalgashigaba.

Xisbiga haya majaraha hogaaminta dib u curashada itoobiyada maanta ee EPRDF iyo bahwadaagtiisu waxay 23 sane oo ugu danbeeyay ku soo jireen sidii loo hirgalin lahaa loona xoojinlahaa dimuqoraadiyada waarta horumar buuxa iyo xasilooni taam ah.

Waxaa hubaal ah in iyada oo laga faa’iidaysanayo khadkeena hufan ee dib u curashada dalkeena itoobiya aan ka helnay siyaasad iyo istaraatajiyado khadkaasi laga helay ay inoo suura galisay in aan si toos ah u guda galno dimuqoraadiyad, koboca dhaqaale oo aan kala go’lahayn, waxaana si mug leh loogu guulaystay in la qalajiyo xididadana loo siibo aragtidii dulsaarnimada iyo ducufnimada lana abuuray hogaamin saxar tiran oo gaadhsiisa bulshada horumar aan soo noqod lahayn.

Waxaan gabagabadii maqaalkaygan ku soo dabaalayaa qoomiyadaha shucuubta iyo dadyowga dalkeena itoobiya waxay heleen itoobiya cusub oo ka jawaabtay dhamaan baahiyihiin shacabka una socota in uu si dhaw ugu biiro dalkeena itoobiya wadamada uu dhaqaalahoodu dhex dhexaadka yahay. Waxaase jira shaqsiyaada ururo iyo dadyow ka xun horumarkaasi muga leh ee ay heleen qoomiyadaha iyo shucuunbta dalkeena itoobiya oo ay ka mid yihiin hadhaagii dhergigu shacbiya iyo waliba shaqsiyaad uu ka mid yahay Aygii maalinta dhawayd ku ciyaya waftigii uu hogaaminayay madaxwayna DDSI mudane cabdi maxamuud cumar oo socdaalshaqo ku jooga wadanka USA kaasi oo ah shaqsiyaad ka hadhay hadhaagii dhergiga.

Qore Mukhtar Mahamed Cabdi.