Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

M/waynaha DDSI Oo Kahadley Ururka Gabalkiisu Dhacay Ee Hadhagii Dhargiga Ginbod-7 iyo Xubno SSI Ah Oo Si Waxshinimo Ah Ugu Noqdey Daba-dhilif Kuna Tilmaamey Damac Bilaa-Rajo ah Iyo Socod Ku-riyood.

Jigjiga(CN) Sabti. Maarso.21.2015, Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Mxamuud Cumar ayaa sheegay in Dalka Itoobiya uu soo marey maamulo ku dhisnaa nidaam canbudhis ahaa oo xaqiraad aad u weyn ku hayey sinaatan iyo jiritaanka qoomiyadaha Itoobiya,badayna taarikhda saboolnimada ee dalkeenu  ku jiro balse waxaa hubaal ahayd in uu mudo 17 sano kadib ah uu midhodhalay halgankii khadhaadhaa ee ay galeen shucuubta Ethiopia ee ay hormuudka  u ahayeen EPRDF, kaaso  dalkeena mudo gaaban ku gaadhsiiyey horumka baaxada weyn ee maanta ka jira Ethiopia  iyo hogaaminta  suuban ee dawlada dhexe iyo EPRDF ee  uu majara u hayey  Mudane Malas Zinawi.

Mar uu madaxwayne Cabdi Maxamuud ka hadlayay aragtida caalamka ee isbadalkani curiyay ayuu sheegay in caalmaka oo dhaami si dhab ah uga makhraati kacay isbadalka siyaasadeed, dhaqaale, nabadgaliyo, iyo maamul suban,  waxaana idhaha caalmaka so jiitay isbadalka xawlgi ku socda. Sidoo kale waxaa aad caalamku uu u qirey kartida iyo geesinimada haayadaha nabadgaliyada ee Ethiopia sida ciidanka qaranka oo muujiyey geesinimo uu ku hanto nabada iyo xasiloonida  ee shacabkiisa  in uu ka difaaco dhaman cadawga gudaha iyo dibada.

Sidoo kale wuxuu xusay madaxwaynuhu  geesinimada,  aqoonta iyo kartida haayadaha sirdoonka dalka oo suurto galiyey in cadawga dalkeenu gaar ahaan ururada argagaxisada  sida  alshabaab  in ayna marnaba wax fal ah uga suurto galin habayaratee, iyagoo marar badan argagixisadu sheegey in ay falal argagixiso ka samayn doonaan  Ethipia,  balse ay maraba soo dhaafi waayeen kartida haayadaha sirdoonka Dalkena.

Sido kale  waxaa aad wax loogu faano ah ayuu yidhi qorshayaasha horumarineed ee taarikhda baalka dahabka ah ka galey ee sida biyo xidheenka ABBAAY, warshadaha sonkorta, Telcom ka  warshadeena kor u qaadida wax soo saarka ee beeraha, wax kabadlka nolasha xoolo-dhaqatada maalgashiga iyo magaaleynta.  Iyo dhamaan qorshayaasha dhimida saboolnimada, dhamaan waa mid aad u soo jiidatey dhagaha iyo indhaha caalamka.

Hadii aan soo qaadano DDSI  ayuu yidhi madaxwaynuhu,  waxaa hubaal ah in markii ay neecawda dimuqraadiyadeed ay ka dhalatey dalkeena, ayna sidii la rabey looga faa iideysan kadib markii ay DDSI  ka dhasheen ururo nabadiid ahaa oo ay dhamaantood hogaamin u ahaayeen  saraakiishii Somaliya  iyo kuwo xagjir ahaa,  islamarkaan sababay in dib-udhac aad u xun iyo dil, dhac, kufsi iyo xasuuq wadareed aad u ba'an u gaystey shacabka DDSI waxaana xusid mudan markii uu shacabka DDSI u adkeysan waayay xasuuqii uu kala hortagey gadood iyo kacdoon aad u xoogan.

Kadib waxaa maamulka DDSI ku soo biirey dhalin yaro aad uga damqatay dhibkii uu nabadiiku ku hayay shacabka waxayna isku dhaarsadeen in ay galaan halgan ilaa naf-huris ah  si ay DDSI uga  dhigaan deegaan horumarineed iyo meel ay malqabeenadu maalgashadaan, si taas loo gaaadhana waxaa hubaal ahayd in ciidanka qaranku uu naftiisa u hurey sidii DDSI ay u gaadhi lahayd horumar waara, kadibna  waxaa wax aad loogu farxo ah in uu midho dhalay halgankii ciidanka qaranku uu la galey nabadiidka al itixad  oo dhamaan cududoodii hubeysnayd ka dhigeen  wax laqabto, wax ladilo iyo qaar tiro yar oo u baxsaday Somaliya kadibna soo xarooday .

Madaxwaynaha oo sii wata hadalkiisii ayaa sidoo kale sheegay in Ubo iyo qorshihii shacbiya ay DDSI ka damacsanayd ay si dhab ah Meel u saaren kadib waxaa mudan in si gaar ah loo xuso halgankii ay galeen  ciidamada Liyuu Police  oo si aad u sare ah u  midho dhaley islamarkaana ka dhigey DDSI nabad galiyo.  Waxaa xusid mudan in hogaaminta dib-u-curashadu ay  halgan la galeen dhamaan maamuladii nabadiidka, dulsaarka. Xagjirka ahaa oo ay ugu danbeeyeen Baho- Cagomardaf.

Waxaana dhamaan horumaka DDSI iyo natiijada laga gaadhey nabadgaliyada ka marag kacay dhamaan hogaaminta sharfta leh ee faderaalka.

 Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar ayaa toosh ku ifiyay dhanka cadawga iyo siduu u muuqdo wuxuuna yidhi sida tan "Waxaa hubaaal ah in dhamaan cadawga dalkeena uu aad uga xunyahay horumarka Dalkeena gaar ahaan DDSI oo ay aad iskugu dhibayaan sidii ay markasta burush xun u marin lahayeen isbadalka dalkeenu gaadhey waxayna waliba markii ay ku fashilmeen in ay si dimuqraadi  ah u tartamaan ee uu shacabkii  doortay EPRDF waxay bilaabeen in haglan dagaal-naf-lacaarida ah galaan. Kadibna  markii ay ku fashilmeen dagaalkaasna waxaa ay bilaabeen in ay si been abuur ah u adeegsadan  media  iyagoo adeegsanaya qaar kamid  shaqsiyaad aad u tabar xun oo hantidii shacbaka dhacay ama la baxsaday .

Hadaba si ay u hirgaliyaan qorshahooda ahaa in ay media-yaha isticmaalaan waxaa ay samaysteen midhiya lagu magacaabo ESAT TV oo ay leeyihin Hadhaagii Dhargiga ee Ginbood 7  kaaso hadh  iyo habeen sameeya wax yaabo been abuur  oo aan  sal iyo raad lahayn oo ay maalinba ninka ay u arkaan in uu caqabad ku yahay rabitaan kooda maalin ku riyood ka ah ee ah in ay maruun soo celiyaan maamulkii Dhargiga ee shacbka Ethiopia oo dhan xasuuqey gaar ahaan  Somalida DDSI.

Madaxweynaha ayaa canbaareyn aad u kulul u soo jeediyey ESAT  been abuur iyo barobagaandho aad u badan  iyo aflagaadooyin dhan ka ah hogaaminta sharafta leh ee uu ugu horeeyo mudane HaileMariam Desalegn iyo mudane Getachew Asafa,  Sidaa darteed cidkasta oo kamid ah taageeryaasha iyo xubnaha DDSI iyo xisbiga waxaa waajib ku ah in ay tooshka kushidaan sidii ay u fashilin lahayeen warbaahinta hadhaagii dhargiga  ee ESAT iyo shaqsiyaadka daba dhilifka u ah.

Hadaba markaan eegno  waxa  ESAT Adhiis Ababa looga yaqaano meel ay leeyihiin dad waalan oo gudcur dam ah  gudaya.

Sida aad la socoteen waxaa baryahan danbe midhiyaha Ginbood 7 laga daawaneyey cadawga oo  aad ugu mashquulsan sidii ay wax uga sheegi lahayeen horumaka iyo nabadgaliyada  DDSI iyagoo si  gaar ah iskugu mashquuliyey socdaalka madaxwaynaha balse ay faraha kaga gubteen.

Somaalidaa waxay tidhaahdaa 'geelow daaq-daaqoo markaad ganboor daaqdaa laguu yaabaa' waxay soo direen koox waalan oo nolasha ka dhacay , kuwaas oo sidii ay horey u barteen in ay been maliiqaan oo ah dibi ayaa weyl dhalay sheegaan, ayaa waxay aad u buun buun buuniyeen vidio ay  si fuleynimo ah u  duubeen kadib waxaa toosh aad u iftiin dheer ku shidey been toodii TG TV   isagoo isbarbar dhigaya beentii ay sii daayeen iyo xaqiiqadii.

Kadib waxaa mar labaad ay qaateen video muujinayey dadkii madaxweynaha ku soo dhaweynayey garoonka Minneapolis oo aadka u tirada badnaa kadib sida dabeecadoodu ay ahayd  TVGA Hadhaagii dhargiga waxay raadiyeen meel ay soodhaweynta M/waynaha ay waxa kaga sheegaan, balse markay waayeen ayay si dhago la'aan ah u isticmaaleen sawir aad u qurux badan oo dad aad u badnaa oo m/waynaha ku soo dhaweynayay, kaaso ay  cod ku dul-qabteen, si ay uga dhigaan dad m/waynahaku mudaaharaday. Kadib waxaa tooshkii ku shidey TGTv taas oo ay islahaayeen dadka ku hadla luuqada axmariga ee aan daawan media laga siidaayey so dhaweyntii madaxweynaha in ay uga dhigaan dad ku mudaharaadaya madaxweynaha.

Madaxwaynaha ayaa kutilmaamey tilmaamay Kadib markii la soo dhigey xaqiiqada TG TV siduu ugu dhacay dhabar jabka  ay aad ugu fashilmeen been abuurka ESAT ee Ginbood 7. Nasiib wanaag socdaalkan waftigani wuxuu si cad u tusay waxa ay yihiin Hadhaagii Dhargiga  ee Labaxay Ginbood 7 iyo Telefeeshinkoodaba in ay yihiin argagixiso cad arintaas oo uu  aanu  ku cadeyney  wareysigii ku baxay afka axmariga ee aanu siiney TGTV kaaso aad  uga cadheysiiyey dhamaan xubnaha iyo taageerada Ginbood 7 aadna ay  dadkii u naceen islamarkaana ay aad ugu mahad celiyeen TGTV Oo markasta xaqiiqadii soo dhiga.

Wuxuu sheegay madaxwaynuhu in sidoo kale dhamaan taageerayaasha iyo qaar kamid ah masuuliyinta qurbaha ku nool ee taageerta ururka EPRDF ay taageradooda ay u hayaan socdaalkanaga iyo wareysigii aanu  siiney  TGTV oo ay ku sheegn in uu ahaa mid xaqiiqo ahaa ayaa wax ay ku soo direen internet TGTV meeshs qaarkoodna ay waftiga si toos ah ugu hanbalyeeyeen. Waxaana aad halkan ka arkeysaa casho sharaf si heer sare ah ay u soo diyaariyeen Masuuliyiinta qaab-dhismeedka ururka EPRDF ee Minneapolis oo ay u qabteen waftiga DDSI ee  madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar.

Hadana  shaqoyinka noo  qabsoomey socdaalkaanaga  ayaa waxa uu si toos ah godkii uga saarey TV ESAT oo kadib markii ay garwaaqsadeen in ayna jirin waxa habayraaten gol-duleelo ama dhib ah oo ka jira qaab socodka dawlada dhexe iyo midan DDSI aadna  uu walwal iyo walbahaar culus ku noqdey tooshka uu ladabajoogo  Halgamaa Masfin Bazu oo ah hawl-wadeenka Talafeeshinka  TG TV.  Waxaana khasab ku noqotey in ay sheegeen  been xataa aan lahayn wax tafatir u ekaysiin ah ama hagaajin oo xataa xawayaanku uu sicad uu u garan karo.  

Waxaa ay bilaaben in ay wareystaan Cabdilaahi Xuseen oo ahaa ninkii jaahilka ahaa oo aan waligi school galin haysana wax shahaado aha habayaraatee balse sawirka iyo dubista video kaliya aqaon bawsi ahaan ah  ku bartey. Kadibna ahaa xubin danbiile ahaa oo baxsadey oo ahaa nin aad u hunguri-weyn oo mabda uu leeyahay uu yahay oo kaliya lacag oo qudh ah, haattana noqdey daba-dhilifka Ginbood 7, isagoo aad ugu rafaaadsan wadanka Sweden dadka Somaalida ahna aan soo dhex galin dhaqan xumadiisa awgeed.

Ninkan ayaa sida aad la socoteen wuxuu u baxsaday wadanka Sweden isagoo marar aad u badan sheegi jirey in uu hayo sir aad u culus oo ay DDSI gashay balse mudo kadib la waayey waxa uu sheegi jirey  ka sakow sawiro muujinya qiimeyno iyo shirar aan sir noqon karin iyo in uu wax ku qoro qaar kamid ah shabakadihii uu ku taageerijirey  DDSI xiligii uu joogey iyo barkulanka-bulshada ee Internetka sida Facebook oo uu kadhigto cakaaranews ddsi  oo uu ku aflagaadeeyo. Isagoo ka dhigaya in uu diyaarado ama hub aad u culus kalasoo goostey DDSI kadibna ku aflagaadeeya madaxda fadaraalka iyo xubnaha SSI ee Gurey, Cagmadaf, Cabdi cudur, iyo Axmadnashad  si ay uga dhigaan in lagu qorey cakaarnnews.

Xubnahan ayaa  horey ugu fashilmay been abuur ay ku sheegi jireen iyagoo isticmaalaya websites badan si  waxshinimo oo aad riqiis u ahayd in dawlada  fadaraalku ayna maamulka m/wayne  Cabdi Maxamuud jecleyn. Hadaba markii uu fashilmey qorshihii ay Ubo, al-itixad, ubo-daacish ayaa waxaa  ay mar labaad iskaashi ka sameeyeen  Sidii ay socdaalka madaxwaynaha ee dibada waxa uga sheegi lahaayeen.

Waxayna dib u socodnimadooda u samaysteen gudi si gaara gaar ah u hogaamisa oo SSI ah sida Cabdifatax-caga mardaf, Gurey-carab malaas iyo Cabdi-cudur  oo uu adeegsanaya. Qaar kamid ahaa websites uu cagomardaf uu masuulka ka ahaa oo uu C/laahi xuseen-af qadhmuun  gacanta ku hayey waxayna ummada uga dhigayeen in ay diyaarado kala soo baxsadeen iyagoo uga jeeda In dadka ay u tusaan mid DDSI leedahay hadana wax ka sheegi masuuliyiinta sharafta leh ee fadaraalka sida masuulka sharfta leh ee Getachew Asafe iyagoo sawirkiisa kudul qoraya cakaara.

Sidaas daraadeed waxaa aanu dhamaan dadka akhrista warbaahinta DDSI dal iyo dibadba ogaysiinaynaa  in ay jiraan website ama bar-kulanka-internetka ee bulashada  (social network) oo uu horey gacanta ugu haynjirey Cabdilaahi Xuseen af-qadhuumuun (cakaarnnews ddsi Facebook ah ) oo  uu ula galey Ubo iyo bah-cagomardaf  iyo kuwo kale oo ay u samaysteen wax ka sheega DDSI oo ay qoraan axmadnijaas, cabdi fatax cagomardaf iyo af-qadhmuune iyo shaqsiyaad kale.  Waxaana lacadaynayaa in dhamaan ciddii si toos ah iyo si dadban ugu lug lahayd sharciga lala tiigsandoono lagana qaadi doono talaabo ku haboon, arintaasuna ay tahay nabadiidnimo caga la'ana.

Ugu danbayntii mar aan madaxwaynaha wax ka waydiinay dhanka UBO ayuu kujawaabay sida tan "Markan eegno Ubo waxaa xaqiiqo ah in ayna DDSI ka jirin haatana ay bilawdey in ay ku dawarsato  waxaan galeynaa heshiis,  kaaso  ay uga jeedeen ganacsi ahaan marka waxaan dhamaan shacabka DDSI dal iyo dibad ba u sheegeynaa in ay  sidaas u ogaadan ganacsiga cusub ee ay bilaabeen sidoo kale waxaan u sheegeynaa hogaamin isku sheegta Ubo ee gabalkeedu dhacay in ay xaqiiqda ku soo dhawadaan oo ay ogaadan in ayna ka jirin DDSI ee ay yihin odayal  gaboobay oo waxkhtigoodii soo dhamaystay  iyo siyaasad goboowdey.

Sidaas darteed waxaan hadhaaga UBO idin kula talineynaa in aad hadii aad rabtaan  heeshis run ah dastuurka si bilaa shuruud ah u qaadato oo Addis Ababa ka soo daga Bole International Airport, markaas ayaa lawada hadli karaa idinkoo qurbajoog ah ayuu yidhi madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar.