War Deg Deg Ah: Guddigii Qaban qaabada Shirka Minneapolis Oo Kafikiraysa Sidii Ay U Maarayn Lahaayeen Hoolkii Shirka Oo 3 Kun Cidhiidhi Ku Ah Iyo Dadkii Ilaa Hada Qaatay Kaarka Oo Gaadhaya 3800 oo qof.

Minneapolis(CN) Sabti.Maarso.21.2015, gudigii qaban qaabada shirka Minneapolis ee wadatashiga qurbajoogat DDSI iyo waftigii madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa hada ka arinsanaya sidii ay u maarayn lahaayeen arinka kusaabsan madasha shirka oo 3000 kun oo qof ay cidhiidhi kutahay iyo tirada ilaa hada qaadatay kaarka kasoo qayb galka oo dhaafaysa 3 kun iyo 8 boqol oo qof.

Mar aan laxidhiidhnay masuuliyiinta guddiga ayay noo xaqiijiyeen in ay goor dhaw go'aamo kasoo saari doonaan sidii ay u maarayn lahaayeen, taasoo laga yaabo in ay dadka qaarkii taagni kanoqoto balse waxay gudigu carabka ku dhufteen in ay hada xal kasoo saarayaan.

Iyadoo aan dib idin kala soo socod siin doono waxa kasoo baxa iyo go'aan ka ay gudigu u soo jeediso taageerayaasha iyo kasoo qayb galayaasha sharafta leh.