Jaaliyada DDSI iyo Ururka Soomaalida Itoobiya ee Sandiego-California oo Baaq Taageero ah U diraya Xukuumada DDSI iyo XDSHSI ee Hogaanka Deegaanka Haya.

Sandiego(CN) Sabti March.21.2015.Anakoo ku hadlayna magaca guddiga Ururuka Soomaalida Itoobiya ee Koonfurta California oo xaruntiisu tahay magaalada San Diego, iyo kan Jaaliyadda DDSI ee magaaladda San Diego iyo nawaaxigeeda daggan, waxaan halkan taageero buuxda oo aan loo kala hadhin u soo gudbinaynaa Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo wafdiga madaxda sare ee DDSI ee uu hogaaminaayo madaxweynuhu oo kormeer ku maraya Waqooyiga Ameerika (U.S.A iyo Canada).

Baaqan oo xanbaarsan taageerada jaaliyadda DDSI ee ku kala nool magaalada San-Diego iyo nawaaxigeeda ay u hayaan xukuumadda,XDSHSI iyo shacabka DDSI ee ay madaxda ka yihiin Mudane Maxamed Rashiid isaaq Mudane Cabdi Maxamuud Cumar. Waxaannu aad iyo aad uugu faraxsannahey horumarka iyo nabadgalyada DDSI ay gaadhay shantii sano ee uu hogaanka suuban u hayey xukuumada maanta Mudane Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar oo ah xukuumadii ugu horaysay  ee baahidii shacabka ka jawaabta soona noolaysay iskuxidhka Shacabka deegaanka ee ku kala sugan Dalka iyo Dibadaha.

Horumarkaa,Maamulka suuban,Maalgashiga iyo nabadgalyada xawliga ku socda ayaa aad looga dareemey aduunka oo dhan iyo dhamaan gobolada iyo degmooyinka DDSI shantii sano ee la soo dhaafay. Waxaana mahadaas iska leh xukuumadda iyo shacabka DDSI ee uu hogaanka u hayo Mudane Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar .

Ugu danbayn Waxa aannu leenahey, “Madaxweyne Guulayso Weligaa, Cadawgaana Ha Jabo, Hiil Iyo Hooba Waannu Kugu Garab Taagannahey.”