Guddiga Qaban Qaabada Shirka Minneapolis Oo Soo Saartay Go'aankii Geedi Socodka Shirka

Minneapolis(CN) Axad.Maarso.22.2015, warka naga soo gaadhaya masuuliyiinta gudiga qaban qaabada shirka wadatashiga qurbajoogta DDSI iyo Waftiga madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, oo ay ugu horeeyaan gudoomiyaha gudiga Maxamed Suldaan Bade iyo gudoomiye kuxigeenka Maxamuud Cumar Haaguf ayaa soo saaray go'aanka geedi socodka shirka.

Guddiga ayaa go'aamisay in shirku ka dhacayo Hoteelka Marriott maalinta Axada ah ee barito iyadoo saacada shikana gudigu shaacisay in ay tahay 4-ta ama 10-ka galabnimo ee saacada Minneapolis.

Guddiga ayaa sidoo kale sheegay in ay kacodsadeen qurbajoogta sharafta leh in ay ilaaliyaan shuruucda shirka oo ah in wakhtigana la ilaaliyo islamarkaana laga rabo kasoo qayb galayaasha in ay yimaadaan iyagoo wata Picture ID-gooda. Waxaana sidii horeyba ay u go'aamiyeen dhamaan kasoo qayb galayaasha lafarayaa in aan shirka lala iman wax electronics ah.