Jaaliyada DDSI ee UAE ayaa Baaq Taageero Ah u Diray a Xukuumada DDSI iyo XDSHSI.

DUBAI (CN) Axad March.22.2015. Waxaa email taageero ah noo soo diray jaaliyada ddsi ee UAE una qornaa Sidan.

 

Jaaliyad DDSI eeUAE ayaa waxay si farxadi ku dheehantahay usoo dhawaynayaan dadaalka Isbedelada Horumarka la taaban karo ee uu wado XDSHSI iyo sida diiran ee loogu soo dhaweeyay waftigii uu madaxwaynuhu hogaaminayay Gobolka Minnesota gaar ahaan Minniapolise.

Kulan qado ahaa oo ay xubnaha gudiga jaaliyada DDSI ee wadanka isu-taga emiraadka carabta isagu yimaadeen magaalda Abu Dhabi ayaa waxaa si buuxda loogu taageeray halganka uu wado XDSHSI, iyo xidhiidhka wadatashiga Qurbajoogta madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamud Cmar uu howlo shaqo ugu tagay cariga maraykanka.

Kulankan ayaa ay soo qaban qaabiyeen odayga jaaliyada Shakir Ahmed A.Shabeel, iyo isuduwaha jaaliyaadka khaliijka ee DDSI Najib Osman Wali maalin-nimadii jimcaha ee bishan March 20, 2015 iyadoona ay jaaliyadu ay si adag ugu taagereen halganka uu wado madaxwayne CMC iyo sidii geesinamada lahayd ee uu issaga celiyay weerarkii Ginbood 7 ee ismiidaaminta ahaa.

Jaaliyada ayaa waxay si buuxda u taageeraysaa garab istaaguda halganka iyo dadaalka ay ku dheehantahay hogaaminta xigmadaysan ee uu gude iyo dibadba ka wado hogaamiyaha, role model ka, mintidka geesiga ah madaxwaynaha DDSI Cabdi Maxamuud Cumar.

Sidoo kale jaaliyada ayaa waxay taageeraysaa hormarka, maalgashga iyo maamulka suuban ee haka naqaaday Dhulkeenna hooyo.

GUUL, GUUL, GUUL,

Gudiga jaaliyada.

Shakir Ahmed

Najib Osman

Wali Maxamed Muse