Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

War Deg Deg Ah: Guddiga Qaban Qaabada Iyo Maamulada Ururada DDSI Oo Kudhawaaqay Inuu Jiro Mudaharaad Caano Ka-Dhan Ah..

Minneapolis(CN) Axad.Maarso.22.2015, war goor dhawayd nagasoo gaadhay Magaalada Minneapolis ee Cariga Maraykanka oo ah halka ay wakhtigan kusugan yihiin waftiga DDSI ee madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar ayaa sheegaya in gudiga qaban qaabada shirka iyo maamulada ururada DDSI ee Minneapolis ay ku dhawaaqeen inuu jiro Mudahaarad.

Mudahaaraadkan ayay gudiga iyo maamuladu kudhawaaqeen inuu dhacayo barito Axada, 3 ilaa 4 galabnimo ee saacada Minneapolis kaasoo ay gudiga iyo maamuladu sheegeen in cashir loogu dhigayo hadhaaga UBO.

Gudigu waxay sheegtay in ay mudaharaadayaan 2113 oo diyaarsatay calanka federaalka iyo halkudhagyo muhiim ah  iyo 3500 oo kaqayb galaysa mudaharaadka kahor inta uusan bilaaban shirka ay u haystaan kaarasha kaqaybgalka oo dhacaya 4-ta galabnimo ee Axada.

Waxayna gudigu ogaysiisay dhamaan xubnaha in ay goobtooda istaagaan iyadoo diyaar loola yahay calamada, boodhadhka halkudhagyadqa. Gudiga iyo maamulada ururada ayaa sheegaya in maalinta bari ah ee Axada uu mudaharaadkani cashir adag u noqon doono Ubo iyo wixii lahalmaaa islamarkaana uu kun jeer kulaba jibaarmi doono.