Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Kulan Balaadhan oo Lagaga Hadlay Iibka Saamiyada Wabiga A bay oo doorka Qurbajoogta Somalida Lagu Amaanay.

Waxaa Shaleyto Ka Dhacay Magaalada London Kulan Ay Soo Agaasintay Safaarada Itoobiya Ay Fadhigeedu Yahay Magaalada London .

kulankaasi Ayaa ka Dhacay Hoolka Weyn Ee Safaarada kulanka Ayaa Waxaa kasoo Qeybgalay Marti Sharaf Kala Duwan iyo jaaliayadaha itoobiya ee Ku Dhaqan Dalka Ingariiska .

Shirkan Ayaa Waxaa loo Qabtay in ay ka Faa'ideystaan Jaaliyadaha Ku Dhaqan Dalka UK in Biyo Xidheenka Weyn ee Abay In Ay iibsadaan saamiyo (bond).

Hadaba Jaaliyaadda Somalida itoobiya ee ku nool UK ayaa dhamaan Shirarka si muwaadinimo leh uga qayb qaatay, runtiina inta badan shirarka lagu qabanayay Safaarada Markasata Ay Katiro Badan Yihiin Qowmiyadaha Kale Ee Dalka Itoobiya Taasoo Indhaha Masuuliyiinta Safaarada Soo jiidatay in ay Markasta Ay Somaliada Deegaanka Ay Hormuud ka Yihiin Howlaha Hormarineed iyo qabanqaabada iyo Diyaarainta waxii shirkaas ku baxay oo dhan ay Somalida itoobiya ay Markasta Diyaar u yihiin.

Jaaliyadda DDSI ayaa Shaleyto si hagar la’aan ah uga Qeyb Qaatay iibsiga boondhiga biyo xidheenka Abay .

Waxaa Halkaasi Ka hadalay oo Khudbad Dheer oo Qiimo Badan Ka Soo Jeediyay Safiirka dawladda federaalka Itoobiya u fadhiya boqortooyada Ingiriiska Mudane Berhanu Kebede oo Aad uga Mahad Celiyay Jaaliyadda Somalida Itoobiya Ee Ku Dhaqan ingariiska Sida Markasta Ay u garab Taagan Yihiin Mashruuca Biyo Xidheenka Abay.

Safiirka Ayaa Sheegay In uu Marqaati Ka Yahay Somalida itoobiya in Ay ugu Saami Badan Yihiin Maalgashiga Biyo Xidheenka Weyn Abay Ugu Dambeyntii .

Waxaa kaloo Halkaasi Ka Hadlay Marti Sharaf kale oo kasoo Qeybgalay Bandhiga boodhiga biyo Xidheenka oo u mahad Celiyeen Masuuliyiinta Soo Agaasintay kulanwaynahan.

Kulankii Ayaa Wuxuu ku Dhamaaday Guul Iyo Farxad.