Dadkii Oo Hada Kusii Qulqulaya Shirkii Minneapolis Iyo Dhalinyarada Rajmantiga 31aad Oo Diyaar Garoobay ' Caano Kadhan

Minneapolis(CN) Axad.Maarso.22.2015, waxaa hada kusii qul-qulaya madashii shirka ee Minneapolis dadkii kaqayb galayay, iyadoo ay si dareen leh u diyaar garoobeen dhalinyarada loo aqoon saday rajmantiga 31aad gaar ahaan kuwa Minneapolis.

Shirka ayaa dhacaya saacada yar kadib iyadoo ay ka qayb galayaan qurbajoog aad u tiro badan islamarkaana wadatashi layeelanaya madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar Cumar iyo waftigiisa kusugan carigaasi Maraykanka.

Dhalinyarada rajmantiga 31aad oo u qaabilsan wixii kabaxsan xadka Itoobiya ayaa balan qaaday gaar ahaan kuwa taliska Minneapolis in ay cashir Caano Ka-dhan ah sabaaxato ugu dhigi doonaan xaab-xaabka Ubo ee gabalkoodu dhacay.

Dib kala soco CakaaraNews xogaha naga soo gaadha shirka haatan bilaabanaya.