Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Wasiirka Qurbajoogta Ddsi Oo Kulan Laqaatay Qurbajoogta Ddsi Ee Gobalka Shabeelle Ee Ku Dhaqan Dalka Qatar.

Dooxa 23/03/2015 Waxaa Dalka Qatar Ka Furmay Shirweynahii Wadatashiga Ahaa Ayaa Maanti Si Rasmi Ah Ugu Furmay Magaalada Dooxa, hadaba shirkan oo uu furay Wasiirka Qurbajoogta DDSI Mudane Cabdibari Macalin Maxamed wuxuu halkaas kajeediyay warbixinta ku qotonta DadaalkaXoogan ee ay xukuumadu Ugu Jirtaa Sidii Qurbajoogta Kunool Daafaha Dunida Ay Marksata Xidhiidh Wada Shaqeyneed Uga Dhaxeyn Laheyd.  

iyada oo Hadaba Wasiirka Qurbajoogta uu Warbixin Dhamaystiran Ka Bixiyay Guud Ahaan Deegaanka Gaar Ahaanna Gobalka Shabeelle ayaa Qurba Joogta Kasoo Jeeda Gobolka Shabeelle Ayaa Aad U Soo Dhaweeyay Warbixinta Uu Wasiirka Ka Warbixiyay Gobolka Shabeelle ay Soo Jeediyeen Baaq Taageero oo Aad U Balaadhan iyaga oo cadeeyay in garab taagan yihiin xukuumada hada ka jirta Deegaanka.

Hadaba Muwaadiniinta Kunool Dalka Qatar Ee Reer Shabeelle ayaa Waxay Aad U Muujiyeen Qalbi Wanaag Iyo Farxad Aan Caadi Ahayn Iyo Waliba Sida Ay Ugu Heellan Yihiin Ka Qeyb Qaadashada Horumarka Sida Xawliga Ah ee ka Socda Deegaanka 

Sidoo Kalana Ay Garab Taagan Yihiin Sidii Loo Wada Ilaashan Lahaa Nabadgalyada Guud Ee Deegaanka.

Qurbajoogta Reer Shabeelle Ee Ku Dhaqan Dalka Qatar Ayaa Si Cod Dheer u Sheegay Inay Si Buuxda U Taageersan Yihiin Xukuumadda Uu Hormuudka Ka Yahay XDSHS (Xisbiga Dimuqraadiga Shacbiga Soomaalida Itoobiya) Majarahana U Hayo Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar, Qurba Joogtu Waxay Ku Nuux Nuux Sadeen Inaysan Marna Ogalaanaynin Cid Kasta Oo Kasoo Horjeeda Nabad Galiyada, Horumarka Iyo Maamulka Suuban Sidoo Kalana Ay Kasoo Hor Jeedaan Cid Kasta Oo Ku Kacda Falalka Wax  u Dhimaya Xukuumadda Iyo Madaxdeedaba.

Waxaa Kale Oo Kasoo Qayb Galayaasha Kulanku Ay Sheegeen Inay Rumaysan Yihiin In Wax Badan Laga Qabtay Istaraatiijiyadii Horumarineed Ee Ay Xukuumaddu Qaadatay Sida Biyo Galinta, Wax Barashada, Caafimaadka, Jidadka Iyo Dhamaan Qorshayaashii Horumarineed Ee Sanadkan.

Ugu Danbayntii Wuxuu Kulanku Kusoo Gaba Gaboobay Jawi Aad U Farxad Badan Iyadoo Qurba Joogtu Dhamaan Niyoodeen Inay Wadanka Tagaan.