Roobku Gu'ga Oo Deegaanka Ka Curtsy.

Jigjiga(CN) Isniin March 23.2015. Sida wararku nagu soo gaadhayaan waxaa gabi ahaanba ka curtay Gobolada DDSI Roobkii Gu'ga kaasoo ay raxmada Alle mahadiyeen Shacab - waynaha deegaanka siiba XOOLO-DHAQATADA iyo Beeralayda.

Labadii bilood ee ugu danbaysay ayaa ay xukuumadu kula tacaalaysay biyo dhaamin degmooyinka Baraagaha laga Cabo ee u badan XOOLO-DHAQATADA maadaama ay kaydka biyaha ay haysteen gabaabsi ahaa.

Magaalada Jigjiga ayaa uu roobku aad uga da'ayaa si goos goos ah ilaa saakana uu cirka ku gadaaman yihiin Daruuro jawiguna aad u qabow yahay taasoo ah raxmada eebe labo cisho ka hor uun bay ahayd xili uu kulaylka qoraxdu aad u sareeyay.