Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Wasiirka Qurba-joogta DDSI Oo Kulama Kala Duwan La Qaadanayay Jahliyada DDSI Ee Ku Dhaqan Dalka Qatar Oo Wali Halkoodii Kasii Socda.‏

Qadar(CN) Isniin.Maarso.23.2015, Sida uu ku soo waramayo wariyaha shabakada wararka ee cakaaranews u fadhiya dalka qadar ayaa waxa uu sheegay in Waziirka Qurbajoogta DDSI mudane Cabdibari Macalin Maxamed uu shirar goos goos ah kula yeeshay  maanta hoolka shirarka ee safarada DFI ee Qatar ku qaabilay qurba joog ka soo jeeda  deegaanka wuxuuna sheegay uu kulan la qaaday qurba Gobalka Jarar gaar ahaan Dagmooyinka Daroor iyo Gaashaamo.

Wasiirku wuxuu si aad u xeel dheer uga war bixiyay dhamaan qorshayaashii horumarineed ee xukuumadu ugu talo gashay guud ahaan deegaanka gaar ahaanna dagmooyinka gobolka Jarareed asagoo waziirku ugu baaqay dhamaan kasoo qayb galayaashii shirka inay wadanka soo booqdaan isla  mar ahaantaana maal gashadaan dhulkooda.

Qurbajoogtii kulanka ka soo qayb gashay ayaa ka mahad celiyay war bixinta Mudane C/Bari iyo guud ahaanba xukuumada DDSI dadaala  horumarineed ee sida xawliga ah uga socda deegaanka gaar ahaanna dagmooyinka gobalka Jarareed.

Odayaashii iyo jahliyada  kulanka goob jooga ka ahaa ayaa dhamaantood ku qanacsanaa hawlaha horumarinta iyo nabad galyada ee deegaanka ka socda, qurba joogtu waxay si buuxda u ballan qaadeen inay wadanka imanayaan kana qayb qaadanayaan horumarinta iyo nabad galyada deegaanka maal gashina ku samayn doonaan.

Ugu danbayntii kulanku wuxuu ku soo gaba gaboobay is afgarad iyo jawi aad u xasiloon iyo waliba is ballansi in la isugu yimaado xarunta DDSI ee jigjiga kuwaasi oo sheegay in ay si mug leh uga faa’iidaysanayaan fursadaha maalgashi ee ka jira deegaanka.