Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Masuuliyiinta Wasaarada Biyaha DDSI Oo ka Qaybgalay Xaflada Dabaaldaga Yoolka Todobaad Ee Biyaha (MDG), Xuska Maalinta Biyaha Heer Caalami Iyo DDSI Oo Lagu Abaalmariyay.

Addis Ababa(CN) Talaado.Maarso.24.2015, waxaa huteelka Sharaton Addis lagu qabtay  xaflad loogu dabaal dagayay guusha ay Itooobiya ku guulaysatay gaadhitaanka yoolka Todobaad ee Horumarinta Qarniga (Millennium Development Goal) oo ahaa in sanadka 2015 dadwaynaha Itoobiya kala badh (50%) la gaadhsiiyo biyo nadiif ah ayaa waxaa uu dalkeenu ku guulaystay in tiro dhan 49 000,000.000 (Afartan iyo sagaal milyan oo qof) la gaadhsiiyo Biyo nadiif ah  taas oo ah tiro aad uga badan  yoolkii la dhigtay.

Xafladaas oo ay shalay ka soo Qaybgaleen madaxwaynaha JDFI Dr.Mulatu Tashome, dhamaan deeq bixiyayaasha Caalamiga ah sida World bank, African Development Bank ,UNICEF, WHO, JICA, Italian Fund, UNDP, iyo kuwa kalle. Sidoo kale inta badan safiirada dalalka aduunku ay ku leeyihiin Itoobiya, wasaaradaha kala gadisan ee Heer Federaal iyo heer deegaan ee dalkeena ayaa waxaa furay madaxwaynaha JDFI Dr.Mulatu Tashome.

Xafladan oo ay deegaanka Soomaalida uga Qaybgaleen wasiirka wasaarada Khayraadka Biyaha ee DDSI marwo Fartuun Cabdi Mahdi iyo Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Mudane C/xaliim Axmed Ismaciil  ayaa waxaa lagu  Abaalmariyay DDSI Dadaalkii ay Hogaaminta DDSI Ka gaysatay in Lagu guulaysto Yoolka MDG ee biyaha la cabo ee Heer qaran. Iyadoo lagu amaanay hogaaminta deegaanka Go,aankii geesinimada Lahaa ee ay Biyaha u qaateen mudnaanta qorshahooda koowaad illaa iyo shanaad taas oo kaalin mug wayn leh ka qaadatay in la gaadho yoolka biyaha la cabo ee MDG ee Heer qaran, taasina hogaaminta deegaanka iyo  wasaarada Biyaha DDSI ay ka mid noqdeen deegaanada ugu horeeya ee abaalmarintaas la siiyay, waxaana abaalmarintaas deegaanka u gudoomay Wasiirada Wasaarada Khayraadka Biyaha  ee DDSI marwo Fartuun Cabdi.

Dhinaca kale waxaa maalintii talaadada heer qaran laga xusay maalinta Biyaha ee  heer caalami taas oo iyana ay ka qaybgaleen mas,uuliyiinta  wasaarada Biyaha ee DDSI gaar ahaan wasiirada iyo wasiir kuxigeenka, kuwaas oo iyadana abaalmarino lagu siiyay  degmooyinka deegaanada ugu wanaagsan Dhinaca maamulka adeega biyaha, waxaana iyadana lagu abaalmariyay laba degmo oo deegaanka  ka tirsan kuwaas oo ah degmada Shinile iyo Dhanaan.

Masuuliyiinta wasaarada biyaha ee DDSI ayaa waxaa ay dadaal badan ugu jiraan kamidho dhalinta qorshaha xukuumada DDSI iyo kan dalka ee dhanka biyaha, iyadoo safarka ay Addis Ababa u tageen ay kamid yihiin hawlo shaqooyin kale ah ka sokow ka qaybgalka dabaaldaga  iyo xuska. Waxaana shaqooyinkaasi oo laxidhiidha dadaalka xukuumadeed ee dhanka biyaha kamida balaadhinta biyo galinta afarta maamul magaalooyin iyo guud ahaanba deegaanka gaar ahaan hawlaha laxidhiidha miisaaniyadaha oo ay guulo dhiiri galin ah kala soo kulmeen.

Shabakada CakaaraNews oo si toos ah u laxidhiidhaysa shirarka iyo hawlaha teamka wasaarada biyaha DDSI oo ay hogaaminayso wasiirada Biyaha Fartuun Cabdi Mahdi ayaa wararka danbe idiin ku soo gudbin doonta faah faahinta guulaha miisaaniyadeed iyo mashaariicaha ay kala yihiin ee ay dhamaystireen masuuliyiintu. Iyadoo sidoo kalena lafilayo in ay toddobaadkan soo socda meel isla dhigaan hawlaha MDG ee biyaha dalka wasaarada biyaha heer federaal iyo deeq bixiyaasha caalamiga ah, kuwaas oo aan iyagana hadii Eebe idmo dib idin kala soo socdsiin doona.