Madaxwaynaha DDSI Iyo Shacabka Dal iyo Dibadna oo Ku Faanaya Halgankii EPRDF Soo Gashay in uu Yahay Ka Sugay Dhamaan Xuquuqihii Qowmiyadaha Gaar Ahaana Soomaalida Itoobiya.

MN(CN) Talaado March 24.2015.  Shacabweynaha ka soo jeeda DDSI ee ku kala nool 5ta Qaaradood iyo Dalka ayaa Mahadiyay Halgankii qadhaadhaa ee ay sida Geesinimada leh dhiigooda ugu soo hureen Ururka EPRDF kaasoo neecaw dimoqraadiyadeed iyo aqoonsi qowmiyadeed aanu ka helnay dhamaanba Xuquuqihii Dahsoonaa islamarkaana Qalbigayaga iyo Xusuustayadaba aan ka tirmayn abid Sharafta iyo Qadarinta aanu u hayno Hogaaminta Ehadik iyo Ururka EPRDF.

Sidoo kale Madaxwaynaha DDSI Mudane cabdi Maxamuud Cumar ayaa mar uu la hadlayay saxaafada Shacabweynaha Soomaalida itoobiya Dal iyo Dibadba uXaqiijiyay in Xukuumada DDSI,XDSHSI iyo Shacabka Deegaanka soomaalida itoobiya ee uu Madaxwaynaha u yahay ay ku faanayaan Qiimo iyo maamuus sharafeedna u hayaan ururka EPRDF iyo hogaamintiisa oo ah kuwo mar kasta iyo saacad kastaba aanu qadarino islamarkaana aan ku faanayno kartidooda iyo Aqoontooda ay u soo hureen dalka taasoo aanu saacad kasta,Sanadkasta iyo abidkayo aynan marna ka faaruqayn Qadarintoodu quluubtayada.

Madaxwaynaha ayaa sidoo kale Sheegay in Xafiiska madaxwaynaha iyo Dhamaanba Qaab-dhismeedyada heerarka kala duduwan ee xukuumada DDSI ka jiraa ay hoostagaan Qaab-dhismeedyada DFI sida Sirdoonka Deegaanka iyo Ciidanka LP waa kuwo hoostaga Ciidanka iyo Sirdoonka Qaranka oo u soo tababaray in ay ciidan noqdaan islamarkaana qaata kuna dhaqma awaamiirta iyo talooyinka la siiyo.

Madaxwaynaha ayaa intaa ku daray in Xukuumada DDSI oo uu ugu horeeyo madaxwaynaha DDSI ciidanka deegaanka iyo Sirdoonka Deegaankuba yihiin kuwo ku faanaya sharafta,kartida iyo aqoonta dheeriga ah ee Sirdoonka DFI ay afrikada kale kaga horeeyaan islamarkaana Amaanta ku heleen,waana amaan iyo sharaf noo soo hoyatay kana dhaxaysa dhamaan Qowmiyadaha iyo Shucuubta taasoo ah Waajib qaran oo shakhsi kasta ka saaran cisaynta iyo qadarinta Hogaaminta Bahwadaagta EPRDF.

Madaxwaynaha ayaa iftiimiyay in Qaabdhismeedyada Hogaaminta dawlada Federalka,hogaaminta laamaha Amniga DFI,wasaaradaha iyo raysalwasaaraha Dalkuba yihiin kuwa mar kasta Taageero buuxda iyo gardaadin la garab taagan waligood Xukuumada iyo Xisbigaba dhabarkana u ritay sidii Shacabweynaha Deegaanka looga saari lahaa Saboolnimada iyo gaajada.

horumarka uu Deegaanku ku faanayo maantana waxaa sabab u ah oo aan la dafiri karin doorka ay ka qaateen Qaabdhismeedyada Dawlada Federaalka iyo Laamaha Ciidamada qaranka iyo Booliska Federaalka.Waxaana uu shaki iyo Sahwi aan inaba ku jirin in Xukuumada DDSI ee aan madaxwaynaha u ahay tahay xukuumad hoostagta ka amar-qaadata kuna dhaqanta fulinta amarada,wareegtooyinka iyo Go'aanada ay soo siiyaan Raysal-wasaaraha JDFI,Qaabdhismeedyada JDFI Masuuliyiinta kala duduwan iyo laamaha Amniga ee Dawlada Federalka.

Waxaanan idiin sheegayaa siiba kuwa Argagaxisada ah ee kala garan la'a in dalka itoobiya yahay dal hal dawlad iyo hal shacab ah in si waafaqsan dastuurka dalka madaxwaynaha DDSI uu toos u hoos tago kana amar-qaato raysal-wasaaraha DalkaMudane haile-Mariam Desalegn sidoo kalana Ciidanka Booliska DDSI wuxuu toos u hoos tagaa kala qaataana warbixinada iyo Awaamiirta Ciidanka Booliska DFI Ciidanka iyo Sirdoonka Deegaankuna waxaa ay hoos tagaan Ciidanka Qaranka islamarkaana ku dhaqmaan Awaamiiraha iyo talooyinka ay kor ka soo siiyaan waxaana sharaf aan ku faano noo ah Xilkasnimada,Tayo-wanaaga shaqo iyo hawlkarnimada hogaaminta wanaagsan Ururka EPRDF taasoonu xili walba isku dayno sidii aanu ugaga dayan lahayn ku dhaqanka kartida iyo shaqo wanaaga Hogaaminta EPRDF.

Xafiiskasta oo ka mida xafiisyada Heer Deegaan wuxuu hoos tagaa Xafiiska ka sareeya ee Heer federal iswaydaarsadaana warbixinada waxqabadka iyo Qorshayaasha tusaale ahaan xafiiska beeraha Deegaanku wuxuu hoos tagaa xafiiska Beeraha DFI,xafiiska Caafimaadkuna wuxuu hoos tagaa xafiiska caafimaadka DFI waxaynuna wada ogsoonahay in wasaaradaha Heer Federaal ,Ciidanka Federaalka,Imigrationka Federalka,Customska,labada aqal ee baarlamaanka JDFI iyo Raysal-wasaaruhuba in ay mar kasta taageero buuxda oo dhinac kastaba ah la garab taagan yihiin Xukuumada iyo Xisbiga. Waxaan shaki ku jirin in mashaariicaha ugu waawayn ee Dhinacyada MDG iyo kaabayaasha dhaqaale ee ugu waawayn horumarka DDSI laga hirgaliyay in ay yihiin kuwo ay hirgalintooda iyo gacan kuhayntoodaba ay iska leeyihiin Wasaaradaha Horumarinta DFI, Hogaaminta Deegaanku waa kuwo garwaaqsan aqoonta iyo tababarada hogaamineed ee ay mar kasta ka helaan Hogaaminta EPRDF anigoo madaxwayne ah oo ku faanaya iska daaye waxaa si ka sii baaxad wayn ugu faanaya Shacabweynaha DDSI halgankii EPRDF yahay ka ay ka heleen Dhamaan Xuquuqahoodii aasaasiga ahaa iyo aqoonsiga jiritaankoodaba.

Hogaaminta XDSHSI iyo Xukuumada ee ay ugu horeeyaan afhayeenka baarlamaanka DDSI mudane maxamed rashiid Isaaq iyo anigoo ah Madaxwaynaha Deegaanka waxaanu Qiraynaa in aanu heerkan aanu soo gaadhnay ay sabab u yihiin Hogaaminta sharafta mudan ee ururka EPRDF halgankii qadhaadhaa ee ay naftooda iyo dhiigoodaba u soo hureen wakhti lagaba yaabo in hogaaminta Deegaanka soomaalida itoobiya xiligay halganka Ehadhik bilaabeena aanaan qaarkayo dhalanba ama qaar naga mid ah aynan hanoqaadba ahayn waanuna Qiraynaa Sharafta iyo Qiimaha muqadaska ah ee ay naga mudan yihiin.Guulaha iyo Amaanta ay leeyihiina waanu ku faraxsanahay waana mid aanaan marna iloobi karin Qiimaha iyo Qadarinta ay naga mudan yihiin.

anigoo madaxwaynaha DDSI ah,Xukuumada,XDSHSI iyo Guud ahan shacabweyanaha DDSI meel kasta oo ay joogaanba waxaa waajib nagu ah tahayna Amaanta iyo Sharafta ay leeyihiin Ciidamada Qaranka,Booliska Federalka,Sirdoonka Federalka,Immigrationka iyo laamaha kalaba in ay yihiin kuwo aanu qirsanahay kuna faanayno hadh iyo habeen taasoo ah waajib muqadas ah oo na saaran.

Dhanka kale Ismaamulada 9ka Deegaan ee aanu ka midka nahay waxa ay hoostagaan DFI awood ka baxsan kuwa dastuurka lagu xeeriyayna kuma dhaqmaan kumana dhaqmi karaan lixdii biloodna hal mar dhamaan Dawladaha Deegaanada iyo Xafiisyadooda dhanka horumarinta waxaa lagu qiimeeyaa waxqabadkooda heer-federal waxaanuna ayidsanahay ka amar qaadanaa kuna dhaqanaa awaamiirta iyo go'aanada ay na siiyaan Qaabdhismeedyada Federalka ee uu ugu horeeyo raysalwasaaraha JDFI mudane Haile-mariam Desalegn.

Qaabdhismeedka dawlada Federalka iyo labada Agal ee Baarlamaanka dalka looga arimo waa mid ay ka wada muuqdaan dhamaanba Deegaanadu waxaynuna wada ogsoonahay in Deegaanka soomaalida itoobiya ay golaha wasiirada Federalka ku leeyihiin wakiilo matala DDSI oo ay ka mid yihiin wasiirka Arimaha Bulshada DFI mudane C/fataax Sheekh C/laahi iyo wasiir kuxigeenka wasaarada Maaliyada DFI mudane Axmed Shide halka Golaha Baarlamaanka Shacabka ay Soomaalida ugu jiraan 24 xildhibaan oo wakiilo inooga ah. Shacabka DDSI iyo xukuumada aan madaxwaynaha u ahay waxaa ay ka dheregsan yihiin sidii ay Ciidamada qaranku naftooda ugu hureen sidii horumarka aasaasiga u ah nolosha binuaadamka bulshada Deegaanku u heli lahaayeen wakhtiyadaasoo Nabad-diidka UBBO ay gaadmo kula hyalgami jireen sidii ay Cagafyada,dosarada, Mashiinada, Riigaga,Ampulanciyada iyo Laydhkaba u gubi lahaayeen si shacabku ugu nacfiyin.

Hadaba Waxaanu u sheegaynaa Ururada argagaxisada ah sida al-shabaab iyo Qaar ka mida hogaamintii al- itaxaad oo ku milmay Alshabaab ee Shabakadahooda iyo barta Bulshada ku soo qoraya warar iyo xogo been abuur ah oo ay kaga beensheegayaan Wadashaqaynta iyo xidhiidhka dastuuriga ah ee ka dhaxeeya DFI,Laamaha amniga Federalka iyo DDSI in aysan jirin wax dulduleelooyin ah ama farqi u dhaxeeya DFI iyo Xukuumada sifo ay ku imaan kartana aynan jirin.

Xukuumada madaxwayne CMC waxay ka amarqadataa Raysal- waasaraha Dalka mudane H/mariam Desaleg,taliyaha Ciidanka Qaranka,Taliyaha Ciidanka Booliska Federalka mudane Getachew asefa,afhayeenka golaha shacabka iyo afhayeenka Federationka una hogaansannahay.

Waxaa hubaala in ay Hogaaminta EPRDF ay leeyihiin aqoon iyo karti ay kula socdaan Dhaqdhaqaayada Aragagaxisada iyo Qiiq isku qarintooda balse waxaa xaqiiqa ah in ururada Aragagaxisada Faraca Hogaamintii hore ee Al-itaxaad in aydaan dul-duleelo ka helayn Qaabdhismeedka dawlada Federaalka,9ka Deegaan iyo 2da ismaamulna yihiin hal dawlad oo hal meel looga taliyo.