Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

War DegDeg Ah: Telefeshinkii ESAT Ee Qudhun-Wada Oo Albaabada Loo Laabay.

Washington(CN) Talaado.Maarso.24.2015, War-baahin burcadeedkii qudhun wada ee kooxda duugii kasoo hadhay Dhargigii Ginbood-7 ayaa shalayto ku waa bariistay magaalada Washington in albaabada la isugu laabo (shut down).

Kooxdan iyo qalabkoodii war-beeneedka ah (ESAT ) ee ay ku aflagaadoon jireen ayaa markii ugu horaysay laxidhay  taniyo muddo badan oo uu soo furaa ESAT TV.  Iyadoo sababtuna ay tahay in sharciga saxaafada iyo profession-kaba ay meel kaga dhaceen.

Markii lawaydiiyay xidhitaankoodan albaabada loo laabay ayay ku jawaabeen in muddo labaatan cisho ah laxidhay oo ay balaadhin kujiraan. Balse waxay warbixinta Washington xaqiijinaysaa in loo xidhay meel kaga dhaca hadafkii saxaafadeed iyo arimo laxidhiidha aqoonta iyo khibrada saxaafadeed.

Sidoo kale xogaha dhabta ah ee Washington nagasoo gaadhaya ayaa sheegaya in ay isku dhaceen qolyihii maamulka ESAT iyo wariyaashii kuwaas oo si gaar ah isugu haysta ciddii soo diyaarisay barnaamijkii ay ku fashilmeen ee ay kasii daayeen madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar wakhtiguu kusugnaa magaalada Washington taas oo ay faraha kaga gubteen sababta xidhitaankana u horseeday.

Guulaha kasoo hoyday socdaalkii madaxwaynaha oo aad u fara badan ayaa waxaa kamida jabka wayn ee kudhacay kooxdan iyo war-baahin burcadeedkoodii ESAT. Arintan oo ay iyaga gudahoodu isagu dhaceen ayaa waxay ahayd kadib markii ay sii daayeen barnaamijkii waraysiga madaxwaynaha iyo hadal qoraaladiisii uu layeeshay telefeeshinka TG TV oo si xaqiiq iyo dhab ah uga waramay xaalada.

Hadaba markii ay sii daayeen barnaamijkaa iyagoo is leh waxyeelo uga dhiga madaxwaynaha ayaa waxaa dhacaday in xitaa macaamiishoodii ay taageeraan TG TV iyo sidii uu madaxwaynuhu waraysiga u siiyay, taasoo kaliftay in xitaa ay 700 000 (toddobo boqol oo kun oo qof) in ay LIKE oo bogitaan ah saaraan barnaamijkii TG TV ee madaxwaynaha DDSI.