Mayorka Maamulka Magaalada Jigjiga Oo Soo Kormeeray Qaab U Socodka Mashaariicda Isgaadhssinta Ee Cusub Ee Laga Wado Agagaarka Jigjiga.

Jigjiga(CN) Talaado.Maarso.24.2015, sida la ogsoonyahay xukuumada DDSI ayaa si xawli ah ugu hawlan ka midho dhalinta qorshyaasha horumarineed ee adeegyada aas aasiga iyo kuwa kaabayaasha dhaqaale. Balaadhin xoogan oo adeega isgaadhsiinta ah ayaa waxaa kasocda magaalada Jigjiga iyo magaalooyinka kale ee deegaanka.

Mayorka magaalada Jigjiga mudane Cabdirisaaq Saxane ayaa dhawaan Kormeel hawleed  kusoomaray Goobo lagadhisayay 11 antenoyinka isgaadhsiinta ah oo cusub magaalada Jigjiga dhaxdeeda si loogaadho yoolka hiigsiga horumarka kaabayasha dhaqaalaha ee ay xukuumada DDSI u dajisay deegaanka,

Gaar ahaan dhinaca isgaadhsiinta ayaa waxay magaalada Jigjiga hada kafa'iidaysata adeega 3G iyadoo anteenoyinka cusub ee hada magaalada lagaadhsiinayo loogu gudbinayo adeega isgadhsiinta ee 4G.

Waxuuna sheegay Mayorku in todabaadada inagusoo aadan xadhiga lagajarayo waxaa kaloo kormeerka ku wehelinayay wasiir kuxigenka xafiiska horumarinta magaloyinka iyo warshadaha mudane Axmed Shugri, maareyaha shirkada isgadhsiinta qaybteeda deagaanka Somalida Itoobiya mudane Maxamed Cabdi  iyo shirkada kuhawlan fulinta mashruucan ee Hawai.

Sidoo kale waxaa uu sheegay Mayorku in mashruuca antenooyinka fursado shaqo loogu abuuray iskaashatooyinka uu dhisay xafiiska shirkadaha yar yar ee maamulk magaalada Jigjiga kuwaas oo qaatay qaybta sal u dhiga ee Foundationka halka ay xidh-xidhka anteenoyinka qaadatay shirkada Hawai.