Shirkii Qiimaynta Waxqabadkii 8 Bilood Ee Lasoo Dhaafay Oo Loo Soo Gabagabeeyay Wakaaladaha Dakhliga ee DDSI.

Jigjiga(CN) Arbaco.Maarso.25.2015, Waxaa lagu soo gabagabeeyay hoolka shirarka ee kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI shirkii qiimaynta wakaaladaha dakhliga degmooyinka deegaanka oo mudo 3 maalmooda ah u socday.

Waxaana xidhitaankii shirkaasi ka soo qayb’galay maareeyaha wakaalada dakhliga DDSI mudane Axmed Maxamed Shugri, madaxa arimaha siyaasada ee XDSHSI mudane Cumar Maxamed,   wasiirka maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI mudane Axmed Cabdi Maxamed, iyo ku xigeenada wakaalada dakhliga DDSI.

Shirkan qiimaynta ah ee loo qaybtay wakaaladaha  dakhliga  DDSI oo ay ka soo qaybgaleen dhamaan masuuliyiinta  wakaaladaha dakhliga degmooyinka deegaanka iyo maamulada magaalooyinka DDSI ayaa waxaa intii uu socday diirada lagu saarayay heerka wax qabadka wakaaladaha ee dakhliga degmooyinka deegaanka sii xoojinta iyo karaar'galinta kor u qaadida dakhliga deegaanka sidii ay maamulada dakhliga degmooyinku u hirgaliyeen qorshayaashii la kala qaatay bilowgii sanadkan fulinta qorshayaashii dakhliga  iyo la dagaalanka musuqa.

Waxaana soo xidhitaankii shirkaasi kula dar daarmay maamulada degmooyinka maareeyaha dakhliga DDSI mudane Axmed Maxamed Shugri oo sheegay in mudadii uu socday shirkani si mug leh loogu lafa guray, nimaadka maamulka dakhliga sida ay maamulada degmooyinku ku yihiin, qaabkii loo hirgaliyay qorshayaashii dakhliga ee kala qatay qiimayntii hore.

Wuxuuna  tilmaamay maareeyuhu  in guulo waawayn laga soo hooyiyay  wax qabadkii 8 bilood ee la soo dhaafay kor  loo qaaday ilaha dakhliga deegaanka loona baahayn yahay in siwayn loo sii xoojiyo lana dar dargaliyo waxqabadka dhinaca dakhliga.

Wasiirka maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaah DDSI mudane Axmed Cabdi Maxamed oo  ka hadlay  soo xidhitaankii shirkii qiimaynta  ayaa ka warbixiyay ahmiyada uu leeyay sii xoojinta iyo kor u qaadida ilaha dakhliga deegaanka, sheegayna in ay taahay sidii uu deegaanku isku filnoonsho u gaadhi lahaa loogana maarmilahaa deeqaha dibada. wuxuuna wasiirku ku nuux nuuxsatay sii xoojinta fulinta nidaamka dakhliga isla xisaabtanka iyo la dagaalanka musuqa isaga oo ku booriyay maamulada degmooyinka in ay fulinta qorshayasha dakhliga si uu deegaanku u noqdo mid dhaqaalihiisu dhex dhexaad yahay.

Madaxa arimaha siyaasada ee XDSHSI  mudane Cumar Maxamed cabdi oo ka warbixiyay jihooyinka siyaasadeed dhaqaale horumar ee XDSHSI tilmaamayna halka uu yahay hirgalinta iyo ka midho dhalinta horumar waara oo aan soo noqod lahay loona baahan yahay in dhinaca dakhliga la saaro korna loo qaado ilaha dakhliga deegaanka.

Gabagabadii shirkaasi qiimaynta ayaa waxaa abaalmarino la gudoonsiiyay degmooyinkii galay kaalmaha hore dhinaca nidaamka dakhliga iyo soo  xeraynta dakhliga. Wxaana lagu abaal marinayay qodobo kala duwan oo laxidhiidha dakhliga , Iyadoo ay kamid ahaayeen degmooyinkii kaalmaha hore degmada Doolo Cado iyo Mooyaale.