Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Ol-olaha Todobaadka Iibsiga Bondhiga Dhismaha Biyo Xidheenka Abay Oo Maanta Ka Bilawday Xarunta Deegaanka Ee Jijiga.

Jigjiga(CN) Khamiis.Maarso26.2015, Dalkeena, itoobiya waxa uu dadaal xoogan ugu jiraa taabo galinta sidii loo dhamaystirilahaa dhismaha mashruuca biyo xidheenka Abay, kaasi oo dhamaystirkiisu  gashi  horumarineed u  noqondoona guud ahaanba  dalkeena  itoobiya siwayna uga qayb qaadandoona koboca dhaqaalaha iyo qalajinta saboolnimada.

Waxaana dadaalo lagu sii  xoojinayo dada’jinta dhamaystirka mashruucani ay ka socotaa dhamaan dalka, iyada oo ay horeba uga socotay deegaanka ka qayb qaadashada wabiya Abay ayaa waxa maanta ka bilowday xarunta deegaanka ee jijiga ol olaha todobaadka iibsiga bandiga lagu hirgalinayo dhamaystirka biyo xidheenka Abay.

Waxa ka soo qaybgalay furitaanka ol olaha todobaadka iibiga bondiga, masuuliyiinta xukuumada DDSI ugu saraysa oo ay ka mid yihiin madaxwayne ku xigeenka ahna ku sii simaha madaxwayna DDSI marwo Sucad Axmed Faarax, gudoomiyaha XDSHSI ahna afhayeenka golaha baarlamaanka DDSI mudane Maxamed Rashiid Isaaq, golaha capinetka DDSI golaha wasiirka DDSI shaqaalaha dawlada, ganacsadata, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxwayne ku xigeenka ahna ku sii simaha madaxwaynaha DDSI marwo Sucaad Axmed Faarax ayaa kula hadashay warbaahinta goobtii lagu iibsanayay bondigan waxayna sheegtay in taabo galinta dhamaystirka mashruucani yahay gaadhida horumar buuxa xukuumada DDSI iyo shacabka deegaankuna kaalin meeqaam sare ah kaga jiraan hirgalinta mashruucan lana sii xoojinayo sidii si dhaw loogu dhamasytirilahaa.

Afhayeenka golaha baarlamaanka DDSI ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamed Rashiid Isaaq oo isaguna ka hadlay goobtaasi ayaa waxa  uu sheegay ahmiyada uu guud ahaan dalka u leeyahay mashruucani ol olahana uu yahay mid lagu sii karaargalinayo dhamays tirka Abay.

Qaarka mid ah golaha wasiirada DDSI oo la hadlayay warbaahinta DDSI ayaa si qoto dheer uga hadlay dareenkooda ku aadan ol olahan iyo ahmiyada uu leeyahay dhamaystirka mashruucani waxayna, tilmaameen sida shacabka deegaanka iyo xukuumaduba ugu hanwayntahay ka qayb galka dhamasytirka mashruuca Abay.

Isku soo wada duub oo hirgalinta mashruuca biyo xidheenka abay ayaa hirgalintiisu waxay lafdhabar u tahay gaadhitaanka horumar dhaqan dhaqaale oo ku salaysan waarintaan buuxa iyo ku biiritaanka wadamada uu dhaqaalahoodu dhex dhexaadka yahay.