Shir Ay Yeesheen Jaaliyada DDSI Ee Minneapolis Ayaa Lagu Doortay 51 Gole Dhexe (15 Guddi Fulin), Hogaaminta Xisbiga, Hogaaminta Jaaliyada, iyo UHSI.

Minneapolis(CN) Jimce.Maarso.27.2015, Sida la wada ogsoon yahay qurbajoogta DDSI ayaa door laxaad leh ka qaadata hawlaha horumarka, nabadgaliyada iyo maamulka suuban ee deegaanka iyo dalkaba. Waxaana marba marka kadanbaysa isa soo taraya taageerada xoogan ee qurbajoogta iyo xoojinta dhamaan qabdhismeedyadii muhiimka ahaa ee qurbajoogta.

Hadaba Shir ay yeesheen jaaliyad DDSI ee Minneapolis ayaa waxaa lagu doortay 51 xubnood oo goladhexe ah kuwaas oo laga dhex doortay 15 xubnood oo gudi fulin ah,  hogaaminta arimaha xisbiga, hogaaminta jaaliyada iyo  Ethiopian Somali development organization.

Sida uu kusoo waramayo wariyahayaga CakaaraNews ee Waqooyi Amerika ayaa sheegaya in wada hadal iyo falanqeyn dheer kadib  Waqoyiga America loo doortey gudominya xisbiga mudane Suladan Maxamed Bade ku xigeena loo doortey mudane  Maxamuud Haaguf. Sidoo kale waxaa gudomiyaha jaaliyada ee Waqoyiga America loo doortey mudane Maxamed Shugri Nuur (Sangaab). Kadib waxaa ladoortey madaxa guud ee Ururka Horumarinta Soomaalida Itoobiya mudane Ibraahim Carab, ku xigeen mudane Faarax Xuseen Furre  (Gacan).

Magacayada xubnaha xisbiga iyo gudiga fulinta.

Gudiga fulinta ee xisbiga:

1-Mudane Mohamed suldan Bade----------------------Gudoomiyaha
2-Mudane Mohamud Omar Haaguf---------------------Gudoomiye kuxgeen
3-Mudane Ibraahim Arab --------------------------------Xubin gudi fulin
4-Mohamed shukri Nuur--------------------------------- Xubin gudi fulin
5-Mudane Farah Hussein fure(Gacan)------------------Xubin gudi fulin
6-Mudane Khadar Mohamed Colaad--------------------Xubin gudi fulin
7-Mudane Hassan Muqtar--------------------------------Xubin gudi fulin
8-Tixiya Abiib ----------------------------------------------Xubin gudi fulin
9-Anab Ali ------------------------------------------------Xubin gudi fulin
10-Faduma Ali--------------------------------------------Xubin gudi fulin
11-Mudane Abdirizaq H Cade---------------------------Xubin gudi fulin
12-Mudane Mohamed taani----------------------------Xubin gudi fulin
13-Abdirahman M Dalab--------------------------------Xubin gudi fulin

XDSHSI ee DDSI oo aad ugu xisaabtamaya  tirada iyo taageerayaasha qurbajoogta iyo sida ay ugu diyaar yihiin fulinta iyo difaacida dastuurka DDSI ayaa waxay xisbi ahaan u aqoonsatety sadex wadan gobal ahaan, Minneapolis oo ah xisbi ahaan xisbiga waqoyiga America. Sidoo kale waxaa gobol ahaan loo aqoonsaday UK iyo wadanka Imaaraadka.

Dhaamnba qaab dhismeedka lasoo sameeyay ee jaaliyada Minnesota waxaa goob joog  ka ahaa madaxda oogu saraysa DDSI sida madaxwaynaha DDSI iyo madaxdii kuwahelinaysay socdaalka shaqo. Waxaana dib idiin kasoo sheegi doonaa hadii Eebe idmo magacda 51 xubnood ee golaha dhexe iyo labada xubnood ee kadhiman gudiga fulinta. Sidoo kale waxaan dib idiin ka soo gudbin doonaa 3 kuxigeen  oo ay jaaliyadu yeelan doonto iyo qabdhismeedka kala duwan oo dib laga soo sheegi doono.