Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Munasabad Lagu tageerayey Kulankii Loogu Magacdaray Caano kadhan ee Kaqabsoomay Minneapolis oo Kadhacday Xarunta Gobalka Jarar ee Magaalada Dhagaxbuur.

Dhagaxbuur(CN) Jimce.Maarso.27.2015, munaasabadan oo siwada jir ah usoodiyaariyeen shacabwaynaha Magaalada Dhagaxbuur iyo masuuliyiinta Maamulka gobolka jarar iyo maaamulka magaalada Dh/buur Ayaaa Furitaankii munaasabadan masuuliyiintii madashaas kulahadashay kasoo qaybgalayaasha waxaa kamid ahaa gudoomiyaha gobolka jarar mudane Farxaan Cabdi Majuun isaga oo sheegay inay kufaraxsanyiin siday usoodhaweeyeen jaaliyada udhalatay DDSI ee kusugan waqooyiga America.

Gudoomiyaha ayaa intaasi ku daray in soo dhawaynta hogaaminta sare ee qurba jooogtu ay tilmaan cad u tahay ka go'naanshaha xukuumada ee ahayd sidii qurba joogta deegaankeena udhalatay ay uga qayb qaadan lahaayeen arrimaha horuumarka iyo nabad galyada, sidoo kalana xukuumada ayaa u abuurtay qurba joogta fursado ay ku maalgashadaan deegaankooda arintaasi oo aan horay u dhicin.

Gudoomiyaha ayaa cadeeyay in ay soo dhawaynayaan go'aamadii kasoo baxay kulankii caana kadhan ee Minnesota. Sidoo kale masuuliyiintii maamulka magaalada Dhagaxbuur Ayaaa si diiran oo farxadi ku dheehan tahay iyaguna halkaasi ku muujiyay inay soo dhawaynayaaan.

Shacabka ku dhaqan Magaalada Dhagaxbuur Ayaaa Sheegay inay ku soo dhawaynayaan kuna faraxsan yihiin sida xushmadui ku dheehan tahay ee ay qurba joogta deegaanku kusoo dhaweeyeen Waftiga uu hogaaminayo madaxweynaha DDSi Mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyagoo sheegay inayna ilaawi doonin qurba joogta sida diiran usoo dhawaysay madaxda DDSI ugana mahad celinayaan qurba joogta sida wadaniyada leh  ee ay halganka saboolnimada uga qayb qaadanayaan.

Munaasabadan oo  sihabsami leh ugadhacday xarunta gobolka jarar Ee Magaalada Dhagaxbuur Ayaa sibalaadhan taageero loogumuujiyay socdaalka masuuliyiinta usaraysa DDSI kutageen dalka dibadiisa.