Awaare Oo Maanta Laga Hirgaliyay Adeega Isgaadhsiinta ee Khadka 3G.

Awaare(CN) Axad.Maarso.29.2015, xukuumada DDSI ayaa aad ugu hawlan kamidho dhalinta yoolka kaabayaasha dhaqaalaha ee deegaanka kuwaas oo muhiimad wayn u leh horumarka. Waxaana kamida adeegyada sida xawliga ah u socda ee kaaabayaasha dhaqaalaha isgaadhsiinta sida adeega 3G ee khadka Internetka mobeelka.

Hadaba waxaa maanta degmada Awaare ee gobolka Jarar laga hirgaliyay adeega kahadka 3G oo aad muhiim ugu leh horumarka bulshada gaar ahaan isgaadhsiinta. waana aalad si wayn uga qayb qaadanaysa dhanka xidhiidhka iyo isgaadhsiinta.

Wasiir kuxigeenka Horumarinta Magaalooyinka iyo Warshadaha DDSI mudane Axmed Shugri ayaa sheegay in guud ahaanba gobolka Jarar loo sii wada daynayo adeegan 3G, iyadoo hada kahorna laga hirgaliyay degmooyin badan oo gobolka ah oo ay kamid ahayd Araarso. Wuxuuna sheegay wasiir kuxigeenku in maal mamahan fooda inagu soo hayo laga sii daynayao degmooyinka Daroor iyo Gunagado oo hada lagu guda jiro.

Adeegan ayaa laga wadaa sidii looga hirgalin lahaa dhamaan goobaha kale ee deegaanka iyadoo deegmooyin badani ay haystaan wakhti xaadirka.