Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Madaxda Urur Goboleedka COMESA Oo Soo Gaadhaya Addis Ababa Iyo Shir Uga Furmi Doona.

Addis Ababa(CN) Axad.Maarso.29.2015, madaxda wadamada ku bahoobay urur goboleedka Suuqa Guud ee Bariga iyo Koonfurta Afrika ee COMESA ayaa soo gaadhaya xarunta caasimada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Madaxda urur goboleedka COMESA ayaa soo gaadhay magaalaa Addis Ababa, iyadoo ay taniyo isniinta bari ah niska hore la filayo in ay kusoo wada gaadhi doonaan xubnaha madaxda ee ururka  xarunta Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Waxaana soo gaadhay maanta galinkii danbe madax uu kamid ahaa madaxwaynihii Malawi.

Shirkan urur goboleedka COMESA oo lafilayo inuu bilowdo talaadada fooda inagu soo haysa yaa waxaa ajende u ah sidii sidii loo xoojin lahaa ganacsiga kadhaxeeya wadamada iyo arimaha kusaabsan horumarinta warshadaha.