Masuuliyiin Dawlada Deegaanka canfarta oo Aqoon Korodhsi Dhanka Barnaamijka Horumarinta Wabiyada iyo Dooxooyinka u Soo Doontay DDSI.

Jigjiga(CN) Isniin March30.2015.Waxaa maanta soo gaadhay magaalada jigjiga wafti masuuliyiin isku dhaf ah oo ka socday xafiisyada horumarinta dawlada deegaanka canfarta kuwaasoo khibrad iyo aqoon korodhsi u soo doontay DDSI. 

Waftiga ayaa uu si sare loo soo dhaweeyay ayaa uu Wasiir ku-xigeenka horumarinta waraabka iyo dooxooyinka DDSI mudane ibraahin maxamed mubaarik xafiiskiisa ku yeesheen kulan aqoon-korodhsi iyo khibrad wadaag ah maadaama Deegaanka soomaalidu yahay deegaanka natiijooyinka sare ka gaadhay hirgalinta mashruuca ka faaiidaysiga wabiyada iyo dooxooyinka ee dibudejinta qoysaska halka deegaanada kale ay wali la daalaa dhacayaan hirgalintiisa.

Ujeedada kulankaa ayaa waxay ahayd in ay masuuliyiintan ka socoday deegaanka canfartu aqoon korodhsi laga siiyo habraacyada ay deegaanka soomalida itoobiya ku hirgaliyeen barnaamijka dib u dajinta oo uu deegaankeenu kaga hormaray deegaanada kale.

Wasiir ku xigeenka xafiiska horumarinta waraabka iyo dooxooyinka mudane ibraahin maxamed mubaarik ayaa waxa uu ugu horayntii sharax dheerka siiyay masuuliyiintan qaab’dhismeedka iyo nidaamka shaqo ee xafiiska sida ay u wada shaqeeyaan xafiisyada horumarka ee DDSI iyo xafiiskani. Wuxuuna wasiir ku xigeenku si qoto dheer uga warbixiyay masuuliyiintan tubtii ay xukuumada DDSI u martay hirgalinta ka midho dhalinta barnaamijka dib u dajinta ee bulshada xoolo dhaqatada ah loogu badalayo xoolo dhaqato beeralay, habkii loo fuliyay qorshayaashaasi cilmiyaysan sidii loo soo bilaabay iyo heerka uu hada marayo. Wuxuuna wasiir ku xigeenku u sheegay masuuliyiintan ka socoday deegaanka canfarta in hada ay xukuumada DDSI ku guusatay hayaanka barnaamijkan dib u dajinta, taasi oo lagu guulaystay in la dajyo bulsho dhan 1,660,35 oo qoys kuwaasi oo loo markoodii hore ahaa reer guuraa ayaa loo sameeyay nolol dagan oo leh waxbarashadii, caafimaadkii wax soo saarkii iyo helidaanka biyaha nadiifta ah, waxaa uu sheegay wasiir ku xigeenku in laga sameeyay barnaamidkan dajinta 180 goobood oo ka mid ah 23 degmo ee ah gobolada laga wada dajinta sida shabeele afdheer iyo liibaan.

Gabagabadii kulankaasi ayaa waxay masuuliyiintii ka socoday deegaanka canfartu sheegeen in ay fahan buuxa ka qaateen hanaanka iyo habraacyada ay xukuumada DDSI hirgaliyay barnaamijkan dajinta aqoon durugsana ay ka heleen kulankani marka ay deegaankoodii ku noqdaana qaadi doonaan jihooyinkan ay maanta ka heleen xukuumada DDSI. Isku soo wada xooriyoo xukuumada DDSI oo ka duulaysa hirgalinta qorshayaasha koboca dhaqaalaaha GTP iyo MDG kuna salaysan barnaamijka dib u dajinta ee bulshada looga faa’iidaynayo wabiyada iyo dooxooyinka si loo suga, damaanada cuntada loogana xorooba saboolnimada iyo gaajada ayaa xukuumada DDSI guulo ku dayasha mudan ka soo hoysay barnaamijka dajinta.