Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Sanadguuradii 4aad Ee Dhagax-dhiga Mashruuca Biyo Xidheenka Wayn Ee Abbaay Oo Barito Si Wayn Looga Xusi Doono Guba.

Addis Ababa(CN) waxaa maalinta bari ah si heer qaran ah loogu dabaal dagi doonaa sanadguuradii 4aad ee kasoo wareegtay dhagax dhigii mashruuca wayn ee Abay oo lagu qabanayo barito degmada Guba ee deegaanka Benishangulka oo ah  halka uu mashruucu kuyaalo.

Sanad guuradan 4aad ee kasoo wareegtay dhagax dhigii mahruuca ee Raysal wasaarihii aragtida dheeraa ee Males Zinawi ayaa hal kudhag looga dhigayaa '"sida aan mashruucan kala badh u gaadhsiinay  ayaan kudhamaystiraynaa oo aan mid labaad ku bilaabaynaa"

Xuska sanad guuradan 4aad ayaa kusoo beegantay ama kaga duwan kuwii hore wakhti ay heshiis iyo diploomaasi fiican kadhex dhalatay 3 da wadan ee Itoobiya, Suudaan iyo Masar.