Jigjiga(CN) Talaado.Maarso.31.2015,Kulankaasi oo uu soo diyaariyay xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaah DDSI ayna ka soo qaybgaleen masuuliyiinta xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaah DDSI iyo masuuliyiinta hay’adaha aan dawliga ahayn ayaa ka dhacay nogob huteel.
Kulankaasi oo ay ujeedadiisu ahayd sidii loo lafa gurilahaa heerka fulinta waxqabadka hirgalinta mashaariicaha ay ka wadaan deegaanka hayadaha samafalka ee ay ka midka yihiin hayada save international, AWDA, IRC iyo ISLAMIC RELIEF.
Waxaana kulankaasi ka hadlay wasiirka xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI mudane Axmed Cabdi Maxamed oo si mug leh uga warbixiyay geedi socodka qorshayaasha horumarineed ee ay hayadaha aan dawliga ahayn ka wadaan deegaanka si loo gaadho ka midho dhalinta yoolasha GTP iyo MDG.
Isaga oo wasiirku hadalkiisa sii wada ayaa waxa uu tilmaamay in kulankaa lagu gorfayndoono mashaariicaha ay wadaan hay’adaha sama falka ee uu ka mid yahay mashruuca PDP oo ay wadaan hayadaha save, AWDA, IRC iyo ISLAMIC RELIEF, iyo mashuuca horumarka waara.
Wuxuuna wasiirku hoosta ka xariiqayn in ay hay’adaha looga baahan yahay in ay sii xoojiyaan dar dargalinta mashaariicaha ay wadaan iyaga oo raacaya istaraatijiyadaha ay xukuumada DDSI dajisatay ee ku qotoma habsami u hirgalinta mashaariicaha horumarineed.
Wasiir ku xigeenka xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI mudane Jamaal Faarax Warmooge ayaa waxa ka warbixiayay ahmiyada uu kulankaasi leeyahay doorka ay hay’aduhu ku leeyihiin hirgalinta mashaariicaha horumarineed.