Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Madaxwayne Kuxigeenka Ahna Wasiirada Madaxtooyada DDSI Oo Kaqayb Galaysa Sanadguurada 4aad Ee Dhagax Dhigii Biyo Xidheenka Abbaay.

Jigjiga(CN) Arbaco.April.01.2015, sida aad wararkayagii hore kala socoteen waxaa barito loo diyaar garoobayaa sanad guuradii 4aad ee kasoo wareegtay dhagaxdhigii  mashruuca wayn ee biyo xidheenka Abbay kaasoo uu hindisay raysal wasaarihii geeriyooday ee araftida dheeraa Males Zinawi, waxaana lagu qabanayaa barito degmada Guba ee deegaanka Benishangulka.

Hadaba munaasibadan sanad guurada 4aad oo ay madax badan oo dalka ahi kasoo qayb galayaan ayaa waxaa DDSI uga qayb galaya madaxwayne kuxigeenka ahna wasiirada madaxtooyada DDSI marwo Sucaad Axmed Faarax oo maanta u anbabaxday dhanka xarunta dalka ee Addis iyadoo barito u kicitimi doonta dhanka Guba oo ah halka uu madhruucu kasocdo.

Shabakada CakaaraNews oo wax kawaydiisay madaxwayne kuxigeenada marwo Sucaad Axmed ayaa sheegtay in mashruucan Abbaay uu muujinayo kartida iyo awaaoda malaayiinta Itoobiya ee iyagu aan waxba ula kala hadhin sidii ay u dhamaystiri lahaayeen mashruucan oo hada dhaafay kala badhkii. Sidoo kale marwo Sucaad waxay sheegatay in mashruucani ahmiyad wayn ugu fadhiyo kasakow Itoobiya dhamaan Afrika.

Biyo xidheenka oo hada maraya meel fiican oo kala badhka dhaaftay ayaa sanad guuradani ay kusoo beegantay wakhti ay heshiis aad u fiican iyo fahan midnimo oo buuxa ay kayeesheen wadamada Itoobiya, Sudaan iyo Masar.

Sanad guuradan 4aad ayaa hal kudhag looga dhigay " sida aan kala badh u gaadhsiinay ayaan u dhamaystiraynaa mid labaadna kubilaabi"