Shirkii Qiimaynta Waxqabadka 9kii Bilood Ee Degmooyinka Gobolka Jarar Oo ka Furmay Hoolka Shirarka Ee Xarunta Gobolka Jarar.

Dhagaxbuur(CN) Arbaco.April.01.2015, shirkaa oo ay ka soo qaybgaleen maamulada degmooyinka gobolka jerer iyo masuuliyiinta gobolka Jarar oo uu ka mid yahay gudoomiyaha gobolka jarar mudane  Farxaan Cabdi Maajuun  ayaa waxaa qiimaynta diirada lagu saarayay waxqabadkii ay degmooyinku hirgaliyeen 9 kii bilood ee sanadkan, gaar ahaan dhinacyada hirgalin mashaariicah horumarka nabadgalyada, maamulka suuban dakhliga arimaha xisbiga iyo xidhiidhka dadwaynaha.

Waxaana furitaankii shirkaasi ka soo jeediyay  anjandayaasha qiimaynta gudoomiyaha gobolka Jarar mudane Farxaan Cabdi Maajuun oo sheegay in maamulada degmooyinka looga baahan yahay in ay soo bandhigaan warbixinta waxqabadka  9 bilood ee la soo dhaafay una soo bandhigaan si ay ku jirto cad cadaan iyo isla xisaabtan.

Wuxuuna gudoomihuhu hoosta ka xariiqay in shirkani mudada uu socda diirada shaybaadhka la marindoono habka fulinta qorshayaashii la kala qaatay wixii ka qabsoomay  waxaan ka fulin iyo socobta ay u fuliwaayeen.
Iyada oo shirkaasi qiimaynta lagu bilaabay dhagaysiga warbixinada waxqabadkii 9 bilood ee degmooyinka Gaashaamo, Awaare iyo Gunagado, iyada oo ay warbixinta degmooyinkaasi ku xuseen in ay ku guulaysteen fulinta qorshyaashii horumarineed.

Sida uu ku soo waramayo wariyaha shabakada wararka ee cakaranews uga soo warama gobolka jarar maxamed cabdi garbo ayaa waxa uu sheegay in shirkaasi uu socondoono mudo 3 maal’mood ah waxaana la filiyaa gabagabada shirkaasi in ay ka soo bixidoonaan gu’aano lagu sii karaargalindoobo hirgalinta hawlaha horumarineed.

Isku soo wada xooriyoo waxaa guud  ahaan bogolada  deegaanka ka socda shirarkii qiimaynta waxbaqadka ka 9kii bilood ee sanadkan aan ku jiro, oo lagu cabirayo halbeegyada hirgalinta mashaariicaha horumarineed halka ay ka gaadheen degmooyinka deegaanku.