Wasiirka Qurbajoogta DDSI Oo Aad Uga Mahadceliyay Qurbajoogta DDSI Ee Canada Iyo Shirkii Caano Kadhan Ee Toronto.

Jigjiga(CN) Khamiis.April.02.2015, sida aad wararkayagii hore kala socoteen shabakada Cakaaranews waxaa dalka Canada kusugnaa maalmahan qayb kamida waftigii madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ee Waqooyi Ameerika oo uu horkacayay madaxwayne kuxigeenka DDSI ahna wasiirka horumarinta magaalooyinka iyo warshadaha DDSI mudane Cabdixakiin Cigaal Cumar.

Waftigan madaxwayne kuxigeenka ee Canada ayaa waxaa socdaalkaas ku wahelinayay wasiirka ganacsiga iyo gaadiidka DDSI mudane Khadar Cabdi Ismaaciil iyo wasiir kuxigeenka Qurbajoogta DDSI mudane Cabdi Khaliif (Dhoonbe), waxaana magaalada Toronto ee dalka Canada si heer sare ah ugu soo dhaweeyay qurbajoogta DDSI oo ay halkaas shirar kulayeesheen waftigu.

Waxaana halkaasi kadhacay shir balaadhan oo loogu magacdaray shirkii Toronto ee Caano Kadhan kaasoo ay aad usoo dhaweeyeen shacabka iyo shaqaalaha dawlada ee DDSI.

Hadaba wasiirka qurbajoogta DDSI mudane Cabdi Bari Macalin Maxamed ayaa sheegay in uu aad uga mahad celinayo qurbajoogta DDSI ee Canada iyo guud ahaanba qurbajoogta DDSI ee sida wadaniyada leh u muujinaya taageerada shacabkooda iyo dalkooda.

Wasiirku waxaa uu sheegay in kaxukuumad ahaan iyo shacab ahaanba aad loogana mahadcelinayo dadaalka qurbajoogta sida shirarkii Caano kadhan Minneapolis iyo kii hada ugu danbeeyay ee kadhacay Toronto.

Xukuumada DDSI ayaa door hormuudnimo kaga jirta guulaha laga soo hoyiyay dhanka xidhiidhka dad wayanaha ee dal iyo dibad iyadoo isbadal iyo fahan buuxa laga hirgaliyay qurbajoogta DDSI iyo dalka taasoo meesha kasaartay mugdigii iyo majara habaabintii hore ee hadhaaga Ubbo  ka dawarsan jirtay qurbajoogta  qaaraanka lagu gubayo horumarka iyo dhiiga shacabka DDSI.